Kumuu ahaa Eng Maxamed Xaashi Lixle? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Eng  Maxamed Xaashi Diiriye ( Lixle) wuxuu wax ku bartay Dugsigii sarre ee Sheekh , waxaanu ahaa ardaydii ugu saraysay dhinaca aqoonta iyo imtixaanaadka waagaas oo dugsigga Sheekh ahaa dugsiyadda ugu wanaagsan kuwii la midka ahaa ee ku yaalay wadamadii ingiriisku gumaysan jirey .

sanadkii 1963 ayuu marxuumku qalinjebiyay dugsigii , waxaanu ka mid ahaa ardaygii ugu fiicnayd dugsigga ee ku guulaysatay in ay deeq waxbarasho ka helaan wadanka Ingiriiska , hassa yeeshee deeqdaas marxuumku ma qaadanin .

1965 Heshiiskii dhexmaray Midowgii soofiyeeti iyo Soomaaliya , Soomaaliya waxaa markii ugu horaysay loo ogolaadey in arday Eng ah oo soo barata hubka Ruushka ay soo dirato si ay seeska ugu dhigaan ciidan Soomaaliyeed , Maxamed Xaashi wuxuu ka mid noqdey 5 arday ee ugu horeeyey ee loo direy midowga soofiiyeeti , waxaana  ka horeeyey oo keli ah 5 sarkaal oo gaashaanleyaal ahaa , kuwaasoo lasoo barayay hogaaminta guud ee ciidamadda .

Maxamed Xaashi iyo saaxiibadii waxaa la geeyey Magaaladda Odeysa oo ah warshadda ugu wayn Taangiga oo ku taala wadanka Yukrayn , halkaasoo ay ku taalo Jaamacad la mataano ah warshadda samaysa taangiga iyo baabuurta gaashaamaan , halkaas ayaynu ku sugnaayeen 5 sanadood oo ay si heer sarre ah ugu barteen samaynta , dayactirka iyo adeegsigga taangiyadda dagaalka .

1969 ayuu marxuumku soo noqdey waxaana laggu qaatey 2 xidigood , muddo kooban gudaheedna wuxuu noqdey nin laf-dhabar u ah sancadda iyo warshadaha ciidankii xooga dalka soomaaliyeed .

Mudadii uu shaqaynayay wuxuu noqdey Taliyaha iyo aasaasaha warshaddihii kabista  ee Modisho iyo  Hargaysa , Macalin iyo sarkaal Akadamigii kismaayo iyo ugu dambayn Hogaankii warshadaha ee Ciidankii xooga dalka .

1977 Markii ay xidhiidhka kala goosteen Soomaaliya iyo midowgii soofiyeeti , Saraakiishii soomaaliddu waxay ku cawdeen in maadaama Ruushki baxay dayactirkii hubku caqabad ku noqonayo, Madaxwayne Siyaad oo ka jawaabay cabashadaasina wuxuu yidhi ;; waar nagga aamusa lixleba wuu idiin kab kabi doonaaye .

Dagaalkii  Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu qaabilsanaa taageeridda kulmiskii Herer , Jigjiga iyo Diredhaba , waxaanu xarun ku lahaa Magaaladda Gabiley , halkaas oo uu ka taakulaynayay cilad ka saarista guud ahaan hubka culus ee jiidaha dagaalka iyo qorshaynta hawlgelintoodda , marar badana wuxuu ku sugnaa jiidahaas oo ka dagaalamayay .

1978 mrkii dagaalku dhamaadey ayuu u dalacey Darjadda gaashaanle sarre , waxa kale oo uu noqdey hogaankii guud ee warshadaha , xilkaas oo uu hayay ilaa 1979 , markaas oo uu iskaga tagey guud ahaan shaqadii ciidamadda , una tafaxaystay abaabulka iyo isku dubaridka ridistii taliskii maxamed siyaad barre .

Sidaan kasoo xigtey rag badan oo wax qorey ama qaar aan la sheekaystay , Lixle wuxuu ahaa sarkaal ka midda rukumadda ciidanka soomaaliyeed ku taagan yahay , waxaanu ahaa kartidiisa iyo aqoontiisa oo loo wada qirsan yahay awgeed nin ay ixtiraam iyo soo dhawayn u hayaan madaxda wadanka oo dhami , xafiis kasta oo uu istaagana fadhiga ayaa looga kici jirey .

Eng Maxamed xaashi mudadii uu noolaa wuxuu noolaa nolol qiime iyo qadarin leh , hassa yeeshee wuxuu qaadan waayay waayihii waagaas dadkiisu ku sugnaa , waxaanu goaansadey in uu noloshiisii qiimaha lahayd ugu iibiyo dadkiisu in ay ku noolaadaan nolol qiime leh .

Geeridii lixle , maanta oo kale 1984 Cidina kuma farxin , Maxamed siyaadna wuxuu  yidhi ” Lixle sarkaal soomaaliyeed buu ahaa , soomaali baanan ka tacsiyeynayaa , mar kale na wuxuu yidhi ” Lixle ciil kuma dhiman , tolkiina ceeb kagama tegin ”.

Ugu dambayn Lixle damacyadiisi ma hoyanin mana hoyan doonaan hasa yeeshee waa kuwo noolaan doona inta nololi jirto .

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR