Kuududiye “Chikungunya” (WQ: Mustafa A.Nuur)

Xanuunka waddankeenna aadka ugu faafay ee Kuududiye waa xanuun da’weyn oo dunida, gaar ahaan  Afrika caan ka ah. Xanuunkan magaca dunidu ugu yeedho ee la isla yaqaannaa waa  Chikungunya. Magacaasi waxa laga soo min-guuriyay afka Makonde ee lagaga hadlo koonfurta-bari ee Tansaaniya iyo waqooyiga Musanbiig. Macnihiisuna waa kan aynu maanta ugu yeedhno ee “Kuududiye”. Cid sidaa u turjuntay garan maayo, balse waa turjumaad habboon oo qeexaysa magaca dhabta ah ee xanuunka.

Xanuunkan markii ugu horreysay waxa lagu arkay Afrika, gaar ahaan waddanka Tansania sannadkii 1952. Wakhtigaa oo Tansaaniya la odhan jiray Taanganiika.  Mararka qaar waxa ay taariikhdu sheegtaa in xanuunkan la arkay lana darsay sannadkii 1779.  Xanuunkan Waxa keena fayras; waxa se gudbisa kaneecada dhedig ee la yidhaahdo Aedes.

Kolka ay kaneecadu jaqdo dhiigga qof buka oo xanuunkan Kuududiyaha qaba, fayraskii waxa uu galaa kaceeda waanu labanlaabmaa oo ku dhex tarmaa. Siddeed ilaa toban dharaarood ka dib kaneecadii waxa ay xanuunkii u gudbisaa dadka, ama qof kale oo caafimaad qabay.

Kaneecada dheddig oo keliya ayaa quudata dhiigga dadka, ama ka xayawaanka dhiigga diirran. Haddii ay kaneecada dheddig ay hesho dad ku filan oo ay qaniinto, dhiiggana ka jaqdo, waxa ay noolaan kartaa saddex toddobaad. Muddadaasi waxa ay dhigi kartaa shan xidhmo oo ugxan ah, xidhmadii kastaana ay ka koobantahay 100 ugxanood. Taa macnaheedu waxa weeyaan, xabbad kaneeco ahi, saddex wiig gudahood waxa ay dhigi kartaa 500 oo ugxanood oo haddii ay badbaadaan noqon kara 500 oo kaneeco oo kale. Bal     qiyaas taangiga guriga kuu saaran biyaha yar ee dushiisa fadhiya oo ay ku noolyihiin 50 xabbo oo kaneecada xanuunkan fidisa ahi.

Kuududiyuhu si toos ah uma fido, ama qof ma qaadsiiyo qof kale. Haddii uu qof xanuunka ka soo qaado meel kale, oo uu dib ugu soo noqdo gurigii uu ku noolaa, ama waddankii uu deggenaa, caabuqaa fayraska uma gudbiyo qof kale oo caafimaad qaba.  Kaneecada dheddig ( Aedes mosquito) oo keliya ayaa gudbisa. Waxaanay ku tarantaa meel ay ka helayso diirrimaad ku filan iyo qoyaan u sahlaya in ay taranto.

Kolka ay ku qaniinto kaneeco sadhaysani,  calaamadaha Kuududiyuhu waxa ay kaa muuqan karaan ama lagugu arki karaa muddo afar ama siddeed dharaarood ah. Inta badanna calaamadihiisa waxaa ugu horreeya uguna caansan xumad aad u daran iyo xubno xanuun. Muddada uu jidhka ku jiri karona waa lagu kala duwan yahay, oo dadku isku mid ma aha difaaca jidhkooda awgeed.

Xanuunkan waxaa lagu ogaan karaa iyada oo la baadho dhiigga bukaha. Waayo waxa jira xanuuno kale oo ay isku sumado ama isku calaamado yihiin. Kolkaa qof kasta oo xumad leh, lama odhan karo waxa haleelay Kuududiye ilaa shaybaad lagu ogaado mooyee.

Daaweyntiisa

Ma jirto daawo si toos ah loogu bogsiiyo xanuunkan. Waxa lagula tacaallaa daryeel caafimaad oo qof gargaarka caafimaadka wax ka fahansani uu caawiyo bukaha. Waxaa ugu sii muhiimsan in calaamadaha xanuunka ee dibadda uga soo baxay bukaha laga dejiyo si uu ladnnaansho u helo. Waxaana ugu muhiimsan Baaraasitimoosha. Sida ay dhakhaatiirbadani ku taliyeen, ma wanaagsana Ibabrofiinta iyo Asbiriinku.

Ka hortagga

Ma jiro tallaal iyo daawo la ogtahay in lagaga hortagi karo xanuunka Kuududiyaha.

Sida keliya ee lagaga hortagi karo xanuunka Kuududiyaha waa in la iska jiro ama laga hortago qaniinyada kaneecada. Kaneecada dheddig ee xanuunkan gudbisaa waxa ay shaqadeeda qabsataa oo ay dadka qaniintaa wakhtiyada subaxa hore iyo maqribka kolka cadceeddu liiqa dhigto. Wakhtigaa ay weerarka qaaddo kaneecada noocan ah ee Kuududiyaha fidisaa waxa ay kaga duwantahay kaneecada aynu naqaannay ee habeenkii wax qaniini jirtay, ama ba kaneecada gudbisa xanuunka malaariyada oo iyaduna habeenkii uun wax qaniinta.

Xanuunkani inta badan dhimasho ma keeno, tii Alle mooyee. Waxa uu se halis ku yahay ilmaha yar ee dhashay, iyo dadka waayeelka ah ee ka weyn 65 jir, ama xanuuno dheeraad ah leh, sida: macaanka dhiig-karka iyo dhammaan xanuunada kale ee dadka xubnaha ka haleela.

Haddii la helayo waxaa jira kiriimyo dubka sare la marsado oo ay kaneecadu necebtahay in ay ku dul degto. Waxa kale oo la yeeli karaa in dhar isku jooga la xidho, maro-kaneeco sariiraha lagu xidho, kiriimka cadceedda laga marsado isaguna wuu kaa ilaalin karayaa in kaneecadani ku qaniinto. Qofka caafimaadka qabaa ee aan xanuunkani haleelin noocyada kiriimyadaa aan sheegay waxa uu kala xidhiidhi karayaa oo wayddiin karaa dhakhaatiirta dubka ku shaqada leh, ama dukaammada kiriimyada iyo kosmaatik-yada iibiya.

Doorka Xukuumadda iyo Dawladaha Hoose

Inahaa aan kor ku sheegay oo dhan waxa ka muhiimsan in si wada jir ah loola dagaallamo kaneecada keenta xanuunkan: Dawladaha Hoose iyo Kuwa Sareba waxaa waajib ku ah, wakhtiyadan oo kale in ay dadkooda u gurmadadaan. Haddii wax kale la awoodi waayo, wacyigelinta iyo baraarujintu cidna culays kumay noqoteen ama kuma aha. Waxaa la yeeli karaa in waraaqo yaryar oo macluumaadka xanuunka iyo sida looga hortegi karo lagu soo koobo la dhigo goobaha laga adeegto, goobaha wax laga barto, masaajiddada, iyo meel kasta oo dadku iskugu yimaaddo. In la sameeyo barnaamijyo ku saabsan xanuunkan oo laga sii daayo idaacadaha iyo TV-yada dalka.

Taasi waxa ay sahli lahayd in dadkii wax ka bartaan xanuunkan, shaki la’aanna qof kastaaba isaga ayaa naftiisa iyo ta qoyskiisa xil iska saari lahaa oo tallooyinkaa la siiyay hagar la’aan u samayn lahaa. Waxa kale oo la gudboon Dawladdaha Hoose in ay qashin qubyada ku buufiyaan cayayaan dile, islamarkaasi dadka biyaha ku quba goobaha la wada leeyahay la ganaaxo oo aan loo jixinjixin.  Si gaar ah, wakhtiyada uu xanuunku dillaaco dadka dalka masuulliyiinta ka ah waxaa WAAJIB ku ah in goobaha ay kaneecadu ku tarmayso oo u badan biyo fadhiisimmada la qallajiyo oo biyahaasi si laga yidhaahdo; gaar ahaan kuwa u dhow meelaha dadku ku noolyihiin ama deggenyihiin ba.

Ka hortagga Kuududiyuhu uma baanha kharash badan oo kii Koroon-fayraska oo kale ah, waa in masuulliyiintu ay fadhiga ka kacaan oo keliya.

Xikmadda iyo ujeeddada Ilaahay masuulliyiin idiinka dhigay ma aha in aad raaxaysataan oo guryihiinna dayrarka dhaadheer dhex jiiftaan. Waa in wakhtigan oo kale aad dadkiina u gurmataan. Imtixaankaa haddii aad ku saaqiddaan, maalin kale ayaad ka qoomamoon doontaan.

Mustafa A.Nuur

manmustafa@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR