LA LIGA: Villarreal oo kooxda Real Madrid ku garaacday garoonkeeda Santiago Bernabeu… + SAWIRRO

Kooxda kubadda cagta Villarreal ayaa guuldarro xanuun badan dusha u saartay naadiga Real Madrid oo ay ku booqatay garoonkeeda Santiago Bernabeu kulan ka tirsan  horyaalka LA Ligaha Spain.

Kulankan ayaa fursado dhowr ah la isku helay qeybtii hore, balse waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Real Madrid oo gurigeeda joogta ayaa isku dayday dhowr fursadood oo ay hoggaanka ciyaarta ku qaban kareen laakiin uma suuro gelin.

Geesiga kulankan ee kooxda Villarreal waxa uu noqday Pablo Fornals, kaddib markii goolka qura oo ay Real Madrid uga adkaadeen uu dhaliyey.

Pablo Fornals ayaa ka faa’iideystay kubbad goolhayaha Los Blancos uu soo tufay, waxaana markii uu ka helay afka hore ee goolka uu si qurux badan uga dul qaaday goolhayaha Real Madrid sidaas ayeyna shabaqa ku gashay daqiiqaddii 87-aad ee dhammaadkii ciyaarta.

Los Blancos ayaa isku dayday inay ugu yaraan goolkaas iska soo gudo laakiin waqtiga ayaan u saamixin kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Los Blancos oo mininkeeda ku ciyaareysa.

Real Madrid ayaa hadda saddex kulan oo horyaalka La Ligaha Spain ah looga adkaaday garoonkeeda xilli ciyaareedkan.

SAWIRRO:

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR