LA OGAADAY: Goorma Ayuu Eden Hazard Kubiirayaa Real Madrid.?

Gool hayihii hore ee Chelsea Mark Schwarzer ayaa caddeeyay in Eden Hazard uu bishq January kubiiri doono kooxda kubadda cagta Real Madrid.

Weeraryahanka heerka caalami ee reer Belhium ayaa xilli ciyaareedkan ku raaxaysanaya bandhig qurxoon oo kusoo bandhigayo kooxda Stamford Bridge.

27-jirkan ayaa si xooggan loola xiriirinayay kubiiritaanka Real Madrid tan iyo sannaddii 2017, xilli uu dhawaan shaaca kaqaaday in uu waligiis ku riyoon jiray kubiiritaanka kooxda caasimadda.

Balse Mark Schwarzer ayaa aaminsan in Hazard uu daaqadda kala iibsiga kooxaha yurub ee bisha January kubiiri karo Real Madrid.

Hazard ayaa shabaqa kuhubsaday 7-gool kadib 8-kulan oo uu saftay Prmier League, isaga oo ka hoos shaqaynaya tababaraha cusub ee Maurizio Sarri.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR