LA OGAADAY: Xidigan katirsan Real Madrid Oo Farxay In Uu Cristiano Ronaldo Isaga Tago Real Madrid.

Bishii July ee sannaddan 2018 Cristiano Ronaldo ayaa isaga Real Madrid isga 110-malyan ugu dhaqaaqay Juventus.

Kubiiraataanka Juve ee CR7 ayaa layaab ku noqotay dunida kubadda cagta, taas o Serie A kusoo celisay in uu kamid noqdo horyaallada loogu jecel yahay dunida.

Juventus ayaana xidigan u aragta mid ka caawin kara kuguulaysiga Champions League, taas oo dhanka kale daciifin doonta awooddi Madrid ee koobkan.

Xidiga badan oo katirsan Real Madrid ayaa Ronaldo ugu rajeeyay nasiib wacan waayihiisa cusub walow waraysiyadii u danbeeyay ay sheegayeen in uusan qof walbaahi kamurugsaneen kadhaqaaqista Madrid ee Ronaldo.

Yeelkeede, Marco Asensio oo lahadalaya Don Balon ayaa sheegay:

“Waqti danbe ayaan ogaaday, wax ay wax iga waydiiyeen wax kusaabsan Cristiano, mana aanan garanayn sababta.

“Intaa kadib isaga(CR7) ayaan kuwaydiiyay gudaha bus-ka waxa uuna igu yiri waxna kama oranayo.

“Magaranayo haddii ay wax wayn tahay in uu kooxda kadhaqaaqo, balse waqtigaas diiradda maanan saarayn wax aan ahayn u dabaal dagga kuguulaysiga koobkaygi labaad ee Champions League.

“Ugu danbayn waa aynu macsalaamaynay waxa aanna u dirnay farriin sagootin ah.”

Tan ayaana caddayn u ah in uu Asensio kufaraxsanaa katigistii kabtanka Portugal ee Real Madrid maadaama uu kamid yahay xidigaha uu booska weerarka ku ciriirinayay.

Asensio ayaa waqtigan kamid ah xidigha kooxda koobaad ee macallin Lopetogui.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR