Laamaha Amniga oo Qarax fashiliyey iyo kala carayay ka dhacay Magaalada…

Ciidamada ammaanka Galmudug oo howl-gallo ka sameeyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas ayaa fuliyey qarax la doonayey in laga fuliyo magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu aasay goob fariisin u ah ciidamada ammaanka oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, iyada oo laamaha amniga ay soo saareen.

Taliska Booliiska Caasimadda Maamulka Galmudug oo ka warbixiyey howl-galladaas ayaa sheegay inay ka war-heleen qaraxa, islamarkaana ay fashiliyeen, si aysan waxyeelo u soo gaarin.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray in miinadaas la doonayey in lagu waxyeelo dadka shacabka ah.

Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyey baaritaano dheeraad ah ka waday Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-galada ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda oo alaaba baaritaano ka sameeya halkaasi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR