LABA Ciyaartoy Oo Liverpool Ka Tirsan Oo Diiday Inay Aqbalaan Fasax Uu Siiyay Tababare Jurgen Klopp Tababarkoodana Sii Wata & Sababta Ay Go’aankaas U Gaadheen.


Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo warramayaa inuu fasax siiyay xiddigaha kooxda ee aan wicitaanka ka helin xulalkooda balse waxa fasaxaas iska diiday xiddigaha kooxdaas ee Alex Oxlade-Chamberlain iyo Adam Lallana.

Labadan ciyaartoy ayaan lagu darin liiska ciyaartoyda xulka England ee kulamada la ciyaari doona  Czech Republic iyo Bulgaria waxaana ay sidaas darteed fasax kooban ka heleen tababaraha kooxdooda.

Liverpool midfielders Lallana and Oxlade-Chamberlain have stayed behind at Melwood

Balse sida lagu sheegay wargeyska Daily Mirro dufcadiisa maanta, Labadan ciyaartoy ayaa diiday dalabkaas sababtoo ah si ay tababar badan u sameeyaan oo ay booskooda shaxda koowaad ee kooxdooda Liverpool u dhacdadaan.

Chamberlain ayaa kaliya laba kulan oo horyaalka ah ugu soo bilawday Liverpool ilaa haatan halka uu saddex kale kursiga keydka kasoo kacay halka Lallana uu xilli ciyaareedka oo dhan 11 daqiiqo matalay isagoo dhammaan bedel ku imanayay.

Dhinaca kale goolhaye Alisson Becker ayaa go’aansaday isna inuu sii joogo xerada tababarka kooxda oo uu tababar sameeyo xilli uu kusii dhawaanayo kasoo kabashada dhaawac uu ku maqnaa.

Alisson ayaa maqnaa tan iyo maalintii furitaanka ee horyaalka waxaana mudada uu maqnaa booskiisa sii buuxinayay Adrian oo qudhiisu shaqo fiican qabtay kana caawiyay Reds inay guuleystaan dhammaan siddeeda kulan ee furitaanka.

Alisson is hoping he will be fit for Liverpool against Man Utd

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR