Labada xiddig ee ugu horreeya oo uu Macallin Jose Mourinho ka dirayo kooxda Manchester United oo la sii ogaaday

Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Jose Mourinho ayaa la soo warinayaa labada xiddig ee ugu horreeya oo uu kooxda ka cayrinayo, marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Jariiradda Mirror ayaa shaacisay in tababaha reer Portugal ee Jose Mourinho uu qorsheynayo inuu kooxdiisa Man United ka cayriyo labada difaac ee Chris Smalling iyo Phil Jones, kuwaas ayaana noqonaya labada xiddig ee ugu horreeya oo loo tilmaami doono albaabka looga baxo Old Trafford.

Jose Mourinho ayaa ka careysan qaab ciyaareedka liita ee ay soo bandhigayaan labaad difaac, iyadoo Phil Jones uu gool ka xareeeyey kooxdiisa kulankii Tottenham, halka Smalling uu sabab u ahaa goolkii Axaddii looga adkaaday Man United.

Labadaan difaac ee qandaraaskoodu dhacay 2019 ayuu Jose Mourinho doonayaa inuu kooxda ka diro si uu dhammaadka xilli ciyaareedkan u dhuujiyo dhanka difaaca kooxda.

Wararku waxa ay intaa ku daryaan in macallinka Man United uu diiradda ku hayo difaaca naadiga Leicester City ee Harry Maguire iyo sidoo kale dambeedka kooxda Real Madrid ee Raphael Varane.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR