Labo Haween oo muslim ah oo sanadkaan midkood ku guulaysanaysa bilada nabadda

Labo hablood oo muslim ah oo kasoo kala jeeda Soomaaliya iyo Libya, ayaa iskugu soo haray abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda.

Labadan haween oo kasoo jeeda qaarada Afrika laguna kala magacaabo Ilqad Elman iyo Hajer Sharief , ayaa ka yimid dalal ay ka jiraan dagaalo iyo dhibaatooyin bini’aadanimo oo leh argagax.

Labadaan haweenba waxay u taagan yihiin awoodda hoggaaminta haweenka. Ilwaad Elman oo ah gabadh dhalinyaro Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada, ayaa sanadkan loo tirinayaa dadka jaaniska fiican u leh ama loo badin karo ku guuleysiga biladaas.

Sida ku xusan webka xarunta Nopel Peace centerka, waxaa ugu danbeyn qofka ama dadka biladaas ku guuleystay lagu dhawaaqi doonaa 11-ka bishaan October.

Abaal-marinta Nabadda ee Nobel, waxaa markii ugu horreysay la bixiyay sanadkii 1901, ujeeddaduna waxay ahayd in lagu sharfo dadka u ololeeya arrimaha ugu muhiimsan mujtamaca dhexdiisa, sida nabada.

Puntland Post


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR