Labo warbixin rasmi ah oo xarumaha Barcelona iyo Real Madrid kasoo kala baxeen halkaan kaga bogo

Rasmi: Real Madrid oo la saxiixatay Eder Militao wuxuuna aqbalay inuu Madrid u saxiixo heshiis gaarayo ilaa 2025.

Eder Militao oo daafaca dhexe kaga cayaaro FC Porto wuxuu noqday saxiixa kowaad macalin Zidane ayadoo Madrid bixisay €50m qandaraaskiisa lagu jebin karay.

Real waxay u dadajiyeen saxiixa Militao in daafacan tayada wanaagsan lacagaha qandaraaskiisa lagu jebinaayo 75m euro noqoneyso marka la gaaro bisha July sidaa darteed hadda ayay FC Porto kala heshiiyeen lacagihiisa madaama 50m lagu jebin karo.

Rasmi: Barcelona oo shaaca ka qaaday in Ousmane Dembele garoomada ka maqnaan doono sedex ilaa afar todobaad.

Dembele dhaawac cusub oo dhanka muruqa ah ayaa kusoo baxay wuxuuna kooxdiisa ka maqnaan doonaa xili aysan ka maarmin madaama Barca dooneyso sedex koob inay xili cayaareedkan isku qaado.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR