Lambarka Uu Martin Odegaard U Xidhan Doono Arsenal Oo La Soo Dusiyay Ka Hor Inta Aan Lagu Dhawaaqin Saxiixa.

Lambarka Uu Martin Odegaard U Xidhan Doono Arsenal Oo La Soo Dusiyay Ka Hor Inta Aan Lagu Dhawaaqin Saxiixa.

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo haatanba daabacay Lambarka uu kooxda u xidhan doono saxiixa cusub ee Martin Odegaard ka hor inta aan lagu dhawaaqin saxiixa xiddiga.

Martin Odegaard ayaa Arsena ugu soo biiraya heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan isaga oo ku baasay tijaabada caafimaadka haatana la sugayo inta lagu dhawaaqayo saxiixiisa.

Xiddiga 22 jirka ah ee reer Norway ayaa Arsenal u imanaya si uu badal ugu noqdo xiddiga Mesut Ozil oo isaga tagay kooxda bishan.

Waxa la filayay in uu Martin Odegaard kooxda u qaato Lambarka No.10 kadib bixistaankii Mesut Ozil uu ka tagay kooxda.

Laakiin waxa baraha bulshada laga helay maaliyada Martin Odegaard oo uu ku qoran yahay Lambarka iyo waliba magaca xiddiga.

Maaliyada ayaa lagu arkay Website-ka ay kooxda Arsenal ku iibiso Maaliyada ee ku yaala dalka Kuwait iyada oo ay maaliyada ku qorantahay Lambarka No.11 iyo magaca xiddiga.

Martin Odegaard shirt number 'leaked' ahead of Arsenal transfer announcement  - Mirror Online

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR