LAYAAB! Jose Mourinho Oo Garan Waayay Magacyad Laba Xidig Oo Uu Man United Ku Soo Maamulay Iyo Muuqaalka Falcelintii Uu Sameeyay.


Jose Mourinho waxa uu waayihiisa tababarnimo la soo shaqeeyay ciyaartoy aad u badan oo ay wali ku jiraan kuwo heer caalami ah waxaana ka mid ahaa Cristiano Ronaldo, Frank Lampard, Kaka, Eden Hazard iyo Didier Drogba.

Jose Mourinho ayaa garan waayay magacyada laba xidig oo uu kula soo shaqeeyay kooxda Man United oo wali ahayd kooxdii ugu danbaysay ee uu soo maamulay. Mourinho ayaa bilaa shaqo ah tan iyo markii bishii December 2018 laga caydhiyay shaqadii Man United.

Jose Mourinho oo ka qayb galay barnaamij uu lahaa LiveScore ayaa waqtiga ugu kooban laga doonayay in uu kaga jawaabo su’aalo la xidhiidha ciyaartoydii uu soo tababaray, wuxuuna magacaabi kari waayay laba difaac oo uu United kula soo shaqeeyay.

Jose Mourinho waxa uu Man United ku haystay ciyaartoyo heer caalami ah oo ay ugu horeeyaan David De Gea iyo Pual Pogba, waxa kale oo uu kula shaqeeyay Chris Smalling iyo Phil Jones oo loo arkayay kuwo aan heerkii uu doonayay ahayn.

Jose Mourinho ayaa muddo 5 ilbidhiqsi ah loo qabtay in uu kaga jawaabay saddex difaac oo Ingiriis ah oo uu soo maamulay wuxuuna garan waayay Chris Smalling iyo Phil Jones isaga oo jawaabtii su’aashan ku dhacay.

Markiiba waxa uu Jose Mourinho la soo booday magacyada John Terry iyo Tim Cahil oo uu kooxda Chelsea kula soo shaqeeyay, laakiin halkaas ayuu dhaafin kari waayay isaga oo xusuusan kari waayay Smalling iyo Jones.

Sida aad muuqaalka hoose ka daawan karto waxaa Mourinho la waydiiyay: “Magacow saddex difaac oo ingiriis ah oo aad soo maamushay”.

Saddexdii ilbidhiqsi ee ugu horeeyay waxa uu Mourinho markiiba soo qabtay John Terry iyo Tim Cahil laakiin dhawaaq qosol leh ayuu ku xigsiiyay markii uu garan waayay magaca saddexaad oo Smalling iyo Jones midkood soo qaadan kari lahaa.

Waxaana loo sheegay Jose Mourinho in xabadaas uu garan waayay lagu helay oo uu jawaabtaas ku dhacay. Waxay u muuqatay in Jose Mourinho uu maskaxdiisa ka tirtiray Smalling iyo Jones ama ayna markii horeba xusuusta fog galin!

Halkan ka daawo muuqaalka kooban ee Jose Mourinho uu ku xuusan kari waayay Chris Smalling iyo Phil Jones oo difaacyo Ingiriis ah oo uu Man United kula soo shaqeeyay.

Magacyada uu markiiba Mourinho xusuustay ee Terry iyo Cahil waqti badan ayaa ka soo wareegay halka kuwa uu garan waayay ee Smalling iyo Jones ay bilo ka soo wareegeen.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR