Lazio Iyo AC Milan Oo Ku Dagaallamaya Saxiixa Xidigan Katirsan Gunners.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee lagu daabacay majaladda The Sun AC Milan ayaa diyaar u ah in ay Lazio kula dagaallanto saxiixa xidiga Arsenal qadka dhexe kaga ciyaara ee Aaron Ramsey.

Sidoo kale xidigan heerka caalami ee reer Wales ayaa xiisa ka helayay kooxaha ka.ciyaara EPL ee Chelsea iyo Liverpool.

Qanraaska Ramsey ee Gunners ayaa ku eg xagaaga 2019, inkasta oo uusan wax wada hadallo heshiis kordhin ah kula jirin kooxda waqooyiga London.

Si lamid ah tababaraha kooxda Unai Emery ayaa wali xiisaynaya in uu looxda kusii haayo xidigan reer Wales, inkasta oo uu dalbanayo mushaar dheeri ah.

Laga yaabee in Ramsey uu doonayo in uu galo hardan cusub uuna u dhaqaaqo Italy, iyada oo ay qaali noqon doonto in uu baxo bisha January balse haddii uusan saxixin heshiis cusub waxaa lagu heli doonaa beeca xorta ah.

Lazio ayaa doonaysa in ay xagaaga soo aadda ay Sergej Milinkovic-Savic iska iibiso iyada oo ay suurta gal tahay in lacagta ay ka hesho ay u adeegsan doonto saxiixa Ramsey.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR