Lionel Messi, Cristiano Ronaldo Mise Xiddigaha Liverpool? Halyeeyga Barcelona Ee Rivaldo Oo Tilmaamay Xiddiga U Qalma Abaalmarinta Ballon d’Or Sanadkan.


Halyeeyga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa ka warramay aragtidiisa xiddigii ugu soo fiicnaa xilli ciyaareedkan kubadda cagta caalamka isla markaana u qalma abaalmarinta Ballon d’Or.

Shaqsiyaadka ugu cad cad ee tartanka abaalmarintaas ayay kamid yihiin Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo iyagu in ka badan tobban sano si joogto ah uga soo ciyaarayay figta ugu sarreysa ee kubadda cagta.

Intaa waxa dheer inay tartamayaasha ugu xoogan yihiin saddexleydda Liverpool ee Virgil Van Dijk, Mohamed Salah iyo Sadio Mane iyadoo uusan meesha ka maqnayn Kylian Mbappe oo xog shaqsiyan wanaagsan soo diiwaan gashaday.

Iyadoo ay sidaas tahay isla markaana tartanku sanadkan yahay mid saadaashiisa aan lagu deg degi karin ayuu Rivaldo doortay kabtanka kooxdiisii hore ee Barcelona ee Lionel Messi.

Rivaldo ayaa ku dooday in abaalmarintani tahay mid shaqsi ah isla markaana uu Messi shaqsiyan soo sameeyay wax ugu filan oo uu ku guddoomo Ballon d’Or sanadkan.

Halyeeyga ree Brazil ayaa yidhi “Fikrad ahaantayda (Guuleystaha) Ballon d’Or ee sanadkani waa Messi oo ku ah waxa uu soo sameeyay”

“Isagu kumuu guuleysan Champions League, Laakiin waa abaalmarin shaqsi ah waxaana uu isagu dhaliyay goolal badan, Goolal muhiim ah”.

Messi iyo Barcelona ayaa kusoo fashilmay inay ku guuleystaan Champions League iyo Copa Del Rey oo ay rumeeyaan riyadoodii saddexleyda koobka ah halka uu sidoo kale booska saddexaad ee kala sarreynta Copa America.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR