Liverpool Marna Lama Soo Saxiixateen Xiddig Messi Oo Kale Ah Hal Arin Ayaana Sabab U Ah.

Kooxda Liverpool marna lama soo saxiixanayso xiddig Lionel Messi Oo Kale ah sababta oo ah Qorshaha Cusub ee suuqa kala iibsiga ee kooxda ayaa ah in ay ilaaliso baankeeda.

Waxa sidaas sheegay xiddigii hore ee kooxda Liverpool John Barnes kaas oo sheegay in ayna kooxdiisii hore samayn doonin saxiixyo waaweyn suuqa xagaaga.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa 2 jeer baanka u jabiyay markii uu dhisayay kooxda haatan ku guulaystay champions League Iyo Premier League.

Xiddigaha Virgil van Dijk & Alisson ayaa kooxda Liverpool ugu soo biiray lacag dhan 142 milyan oo euro laakiin labada xiddig ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga Liverpool ee koobabka.

Maalmahan Klopp ayaan lacag badan suuqa galin iyada oo Reds kaliya la soo saxiixatay 2-dii suuq ee ugu dambeeyay xiddiga Takumi Minamino oo 7 milyan ugu yimid kooxda.

Advertisements

“Liverpool baanka uma jabin doonto cid kale”ayuu Barnes u sheegay BonusCodeBets.co.uk

“Xiddigaha ayna Liverpool la soo saxiixan doonin ayaa ah Neymar iyo Messi kuwaas oo ay tahay in baanka loo jabiyo hadii la soonayo saxiixooda”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR