Liverpool Oo Anfield Ku Ceebaysay Kooxda Ay Xifiltamaan Ee Everton, Origi Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Reds Oo Soo Ceshatay 8-Kii Dhibcood Ee Hogaanka PL.


Liverpool ayaa guul wayn Anfield kaga gaadhay kooxda ay colaada wayni ka dhexayso ee Everton waxayna Reds sii joogtaysay rekoodhka guulaha ee ay xili ciyaareedkan ku soo jirtay iyada oo waliba soo ceshatay 8dii dhibcood ee ay hogaanka ku haysay.

Divock Origi ayaa laba gool dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta halka Shaqiri iyo Sadio Mane ay min hal gool raacsadeen balse M.Keane iyo Richarlison ayaa min hal gool Everton u dhaliyay isla qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin dhamaadkii ciyaarta waxaa goolka shanaad Liverpool u saxiixay Gini Wijnaldum si uu ceebtii hore ugu sii laba jibaaro Everton iyada oo Marco Silva uu hadda qarka u saaran yahay in shaqada Everton laga caydhiyo.

Inkasta oo Klopp uu kulankan ku soo galay shax lama filaan ahayd, haddana waxay awoodeen in ay shan gool ku xasuuqeen Everton.

Advertisements

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

EVERTON STARTING XI (5-4-1): Jordan Pickford; Djibril Sidibe, Mason Holgate, Yerry Mina, Michael Keane, Lucas Digne; Alex Iwobi, Tom Davies, Gylfi Sigurdsson (c), Richarlison; Dominic Calvert-Lewin.

Kaydka: Morgan Schneiderlin, Leighton Baines, Cenk Tosun, Bernard, Moise Kean, Theo Walcott, Jonas Lossl.

LIVERPOOL STARTING XI (4-3-3): Adrian; Trent Alexander-Arnold, Dejan Lovren, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Georginio Wijnaldum, Adam Lallana, James Milner (c); Xherdan Shaqiri, Sadio Mane, Divock Origi.

Kaydka: Caoimhin Kelleher, Mohamed Salah, Joe Gomez, Alex Oxlade-Chamberlain, Jordan Henderson, Naby Keita, Roberto Firmino.

Jurgen Klopp ayaa cid walba kaga yaabsaday nooca isbadaladii uu ka sameeyay kulankii Anfield ee Everton isaga oo ku soo shirtagay shax aanu qofna markii hore ka filayn in uu kulanka Merseyside Derby uu ku soo gali karo.

Qaybtii hore ee kulanka Liverpool iyo Everton ayaa ahaa mid lix gool lagu kala dhaliyay iyada oo difaacyada labada kooxood ay sameeyeen qaladaad xun oo sabab u noqday in lix gool la kala dhaliyay.

Daqiiqadii 6 aad Liverpool ayaa bilawday goolasha daadka ahaa ee qaybtii hore ee ciyaarta kula timid Anfield waxaana kubbad si cajiib ah looga soo shaqeeyay dhamaystiray Divock Origi kaas oo caawin fiican ka helay Sadio Mane oo ciyaarta yeedhinayay.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Liverpool xili horeba heshay goolkeeda furitaanka waxayna Reds sii waday in ay raadiso goolal kale iyada oo Everton bilawday in ay ka walwasho culayska ay Reds kala kulmaysay.

Daqiiqadii 17 aad Sadio Mane ayaa kala dhan taalay difaaca kooxda Everton kadib markii uu qaab kale oo cajiib ah Shaqiri uga caawiyay in uu dhaliyo goolka labaad ee Liverpool waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Reds hogaanka ku dheeraysatay.

Shaqiri oo waqti dheer xili ciyaareedkan dhaawac ku maqnaa ayaa goolkan dhaliyay xili uu si lama filaan ah ugu soo bilawday shaxda Jurgen Klopp.

Daqiiqadii 21 aad Everton ayaa heshay goolka ay niyadii sii lumaysay ee kooxdeeda dib ugu soo noolaysay kadib markii uu M. Keane dhaliyay goolka xamaasada ciyaarta si layaableh sare ugu qaaday waxayna natiijadu noqotay 2-1 ay wali Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay.

Daqiiqadii 31 aad Alla Muxuu Gool Ahaa!! Origi ayaa gool cajiib ah oo aan meel laga filayay ka iman waxa uu ku ceebeeyay difaaca Everton kadib markii uu si cajiib ah u maamulay kubbad uu Dejan Lovern meel aad u fog ka soo qiyaasay, wuxuuna Origi ciyaarta ka dhigay 3-1 ay Liverpool ku soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa.

Kadib Everton ayaa iska lumisay fursado layaab lahaa oo ay ciyaarta xamaasada ugu sii wadi kartay laakiin Liverpool ayaa ahayd mid aan la joojin karin marka ay weerar soo qaadaan.

Daqiiqadii 45 aad Sadio Mane oo ciyaarta iftiiminayay ayaa goolka afraad ee Liverpool ku dhaliyay kubbad caawin uu si qurux badan u soo sameeyay Alexander-Arnold oo kubbad ay Everton gool ku dhalin kartay la soo baxsaday, wuxuuna Mane awooday in uu Everton sii niyadjabiyay.

Daqiiqadii 45+3 aad Everton ayaa dhamaadkii qaybtii hore iska soo yarysay goolashii badnaa waxaana darbo madax duulaysa Adrian ku garaacay Richarlison kadib markii uu Lovern ku fashilmay in uu darbadii ugu danbaysay qaybtii hore iska saaro.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo lix gool layska dhaliyay ayay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay 4-2 laakiin qaabka ay goolashani labada difaac uga dhasheen ayaa ahayd mid liidatay iyada oo maqnanasha Fabinho uu sababta ugu wayn u ahaa goolasha labada ah ee Liverpool laga dhaliyay.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii lagu soo laabtay Klopp oo la filayay in uu shaxdiisa wax ka badalayo ayaa ku adkaystay in 11 kii xidig ee uu ku soo galay ciyaartu ay sii joogteeyaan.

Liverpool ayaa wali ahayd kooxda goolal kale laga filanayay waxayna Everton dagaal ugu jirtay in ay marka hore iska joojiso goolasha badan ee ku socday halka ay rajo ka qabeen in ay goolal kale keensadaan.

Daqiiqadii 72 aad Jurgen Klopp ayaa laba isbadal hal mar wada sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Adam Lallana waxaana booskiisa buuxiyay Jordan Henderson halka Origi oo oo laba gool dhaliyay uu ku badalay Roberto Firmino.

Daqiiqadii 80 aad Liverpool ayaa u muuqatay in ay goolkeeda shanaad helayso kadib markii uu Sadio Mane helay fursad layaableh laakiin kubbada uu Wijinaldum ka hor boobay ayuu si lama filaan ah u khasaariyay.

Daqiiqadii 83 aad Klopp oo laga filayay in uu ciyaarta soo galiyo Chamberlain ama Naby Keita ayaa ciyaarta ka saaray Trent Alexander-Arnold wuxuuna soo galiyay Joe Gomez.

Alla Maxay Waai Ahayd!!! Daqiiqadii 84 aad Sadio Mane ayaa si kalidii ah ugu soo baxay goolhayaha Everton laakiin si aan la rumaysan karin ayuu u lumiyay fursad ay jamaahiirta Liverpool isku sii taageen in uu goolka shanaad noqonayo balse Mane ayaa ku mashquulay sidii uu qaab qurux badan ugu dhalin lahaa goolkan wuxuuna ku fashilmay wax aan la rumaysan karin.

Qaladkii hore kan ayaa lagu ilaaway!! Isla daqiiqadii 84 aad Everton ayaa u muuqatay in ay Sadio Mane ku ceebaynayso goolkii uu khasaariyay waxaana goolka Liverpool kubbad kula soo baxay Alex Iwobi laakiin markiisa waxa uu is arkay isaga oo lumiyay fursad haddii uu gool ku dhalin lahaa uu Mane iska qoomamayn lahaa!!

Daqiiqadii 90 aad Gini Wijnaldum ayaa ugu danbayn Liverpool u dhaliyay goolka shanaad ee uu Sadio Mane dhawrka jeer u lumiyay fursadaha cadaanka ahaa, kadib markii uu Roberto Firmino soo hawl gabsiiyay difaaca Everton wuxuuna Wijnaldium ciyaarta ku soo xidhay 5-1 ay Reds ku gumaaday Everton.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR