Liverpool Oo Calaamadsatay Badalka Dejan Lovren

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay daafaca Kooxda Brighton & Hove Albion ee Ben White u calaamadsatay badalka daafaca Dejan Lovren.

Ben White ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxdiisa haatan laakiin qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Leeds United oo uu amaah ugu joogo xilli ciyaareedkan.

22 jirkna ayaan seegin wax kulan ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan ee kooxda Leeds isaga oo wada ciyaaray dhamaan kulamada ay kooxdaas ciyaartay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Football Insider Liverpool ayaa indha-indheeyayaal u dirtay xiddiga iyaga oo la socday qaab ciyaareedkiisa lana dhacay sida uu u ciyaarayo xilli ciyaareedkan.

Reds ayaana haatan isku diyaarinaysa in ay saxiixa White u dhaqaaqdo suuqa xagaaga dambe ama suuqa January.

Wararka ayaa sheegaya in uu Klopp White u arko badalka Dejan Lovren kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa lalana xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Liverpool suuqii xagaaga.

Kooxda Brighton ayaa la sheegayaa in ay xiddiga reer England ku qiimayso 20 milyan oo euro sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa fiican ee xilli ciyaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR