Liverpool Oo Hogaanka U Qabatay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Jadon Sancho, Goorma Ayuu Doonayaa In Uu Ka Tago Dortmund?

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Xiddiga aan ku faraxsanayn kooxda Dortmund ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United suuqyaddii ugu dambeeyay

Laakiin saxafiga Aage Fjortoft ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Jurgen Klopp haatan ugu cad-cadahay saxiix xiddiga.

Xiddiga reer England ee Sancho ayaa waliba doonaya in uu isaga tago kooxda Dortmund suuqa January sida uu sheegay saxafigu.

Xiddiga kooxda Man City isaga tagay xagaagii 2017 ayaa sumcad ku samaystay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay intii uu joogay horyaalka Bundesliga.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid iyo PSG kuwaas oo laftooda la dhacsan qaab ciyaareedka xiddiga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR