Liverpool Oo Ka Warbixisay Xaalada Dhaawac Ee Alisson Becker, Maxaa Soo Kordhay?

Tababaraha Goolhayayaasha Kooxda Liverpool ayaa ka warbixiyay xaaladii dhaawac ee ugu dambaysay ee Goolhaye Alisson Becker ka hor inta uuna dib u bilaaban horyaalka premier League kadib markii la soo afjaray fasaxii xulalka.

Tababaraha Goolhayayaasha Liverpool ayaa sheegay in uu Alisson Becker samaynayo horumar cajiib ah tartanka uu ugu jiro in uu ka soo laabto dhaawaca.

Goolhayaha 1-aad ee Liverpool ayaa ka maqan garoomada tan ilaa markii uu dhaawac kubka ah soo gaadhay kulankii ugu horeeyay ee premier League.

Saxiixa cusub ee Liverpool Adrian ayaa tan ilaa haatan kooxda u ilaaliya shabaqa xilli uuna tababare Klopp wakhti u qaban soo laabashada Alisson.

Laakiin John Achterberg oo ah tababaraha Goolhayayaasha ayaa warbixin cusub ka soo saaray xaalada Goolhayaha ee haatan.

“Alisson waxa uu tababar ku qaadanayaa qolka Jimicsiga waxana jira horumar badan oo uu sameeyay isaga oo doonaya in uu xoojiyo awoodiisa taam ahaansho”ayuu yidhi.

“Maalmihii yaraa ee ugu dambeeyay waxa uu tababar ku qaatay garoonka isaga oo samaynayay qabasho kubada ah iyo shaqo dhanka lugta ah iyo baas gaaban”.

“Waxa uu sameeyay horumar fiican laakiin way adagtahay in la ogaado inta ay horumarkaas qaadan doonto”.

“Waxa ay u baahantahay wakhti, ma eegi karno waxa naga horeeya laakiin waxa aan qiimayn doonaa maalin kasta sidaas darteed aan eegno sida uu dareemo”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR