Liverpool oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karaan saxiixa laacibkan!

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa si xoog leh u raadineysa difaac kale kaasoo ka ciyaara dambeedka bidix maadaama shaki badan la gelinayo difaaca reer Spain ee Alberto Moreno.

Jurgen Klopp ayaa ka fikiraya in uu laacibka reer Spain iska diro isagoo maanka ku haya inuu lasoo saxiixdo difaaca kooxda FC Porto ee Alex Telles.

Andrew Robertson ayaa qaybihii dambe ee xilli ciyaareedkii si aad ah uga haqab tiray Reds isagoo ka xoogay booska dambeedka bidix Alberto Moreno.

Kooxda reer Portugal ayaa u sheegtay Liverpool inay ka iibinayaan Telles haddii ay ka helaan lacag dhan €40m oo ah lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa.

Difaaca reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay u saftay Porto u saftay 45 kullan isagoo dhaliyay 4-gool sidoo kalena 20-kale ka caawiyay saaxiibbadiisa, waxaana uu heystaa qandaraas ku eg 2021.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR