Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Soo Laabashada Diogo Jota.

Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Soo Laabashada Diogo Jota.

Liverpool ayaa heshay war fiican oo ay aad ugu baahnayd kadib markii uu tababarka buuxa ku soo laabtay xiddiga Diogo Jota kaas oo muddo 2 bilood ka badan ka maqnaa kooxda.

Xiddiga Diogo Jota oo si fiican ku bilowday xirfadiisa Liverpool ayaa dhaawacmay bilowgii bishii December ee sanadkii hore isaga oo dhaawac jilibka ah soo gaadhay.

Xiddiga ayaa muddo ku dhaw 3 bilood ka maqnaa garoomada laakiin si buuxda ugu soo laabtay tababarka Liverpool kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawaca jilibka ahaa.

Jota oo kooxda Liverpool ka maqnaa 17 kulan xilli ciyaareedkan ayaa haatan taam u noqon doona ka qayb qaadashada kulamada kooxda Liverpool ee soo socda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR