Liverpool Oo Xaqiijisay Tababaraha Kooxdeeda Qayb Ka Mid Ah Hogaamin Doon Carabao Cup Xilli Uu Jurgen Klopp Qayb Ka Mid Ah Kooxda U Qaadan Doono Club World Cup

Liverpool ayaa xaqiijisay in ay xiddigaha da,yarka ciyaarsiin doonto Quarter-Finalka Carabao Cup-ka xilli ay kooxdooda u kala qaybinayaan laba kulan oo 24 saac gudohood ah.

Tababare Jurgen Klopp ayaa go’aamiyay in uu tababaraha 23 jirada ee Neil Critchley hogaamin doono kooxda Liverpool ee Aston Villa la ciyaari doonta 17 bisha December 24 saac ka hor inta uuna Isagu hogaamin kooxda Kale ee ka qayb qaadan doonta tartanka Club World Cup-ak ee ka dhici doona Qatar.

Klopp ayaa sidoo kale ka fiirsanaya in uu xiddigo kooxda 1-aad ah u kala qaybiyo labada kulan xilli uu sidoo kale caawiyihiisa Pep Lijnders u reebi doono si uu u hogaamiyo Kooxda Carabao Cup-ka.

Laakiin Critchley ayaa hogaamin doona kooxda Carabao Cup-ka oo u badnaan doonta xiddigo da,yar ah kuwaas oo ka qayb ahaa kooxdii gaadhay wareega xiga kana badiyay Arsenal.

Taas ayaa la macno ah in ay Liverpool in ka yar 23 xiddig u qaadan doonto Club World Cup-ka iyada oo xiddigaha Rhian Brewster, Caoimhin Kelleher, Sepp van den Berg, Curtis Jones & Harvey Elliott dhamaantood ciyaari doonaan kulanka Carabao Cup-ka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR