Liverpool Oo Xasuuq Xun U Gaysatay Kooxda Tranmere, Rhian Brewster Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Reds Oo Bilaabasho Fiican Samaysay.


Liverpool ayaa bilaabtay kulamada saaxiibtinimo ee ay xili ciyaareedka cusub ugu diyaar garoobaysay inkasta oo ay Jurgen Klopp ka manaayeen inta ugu badan ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisu.

Liverpool ayaa diyaar garowga xili ciyaareedka cusub ka bilaabtay garoonka Prenton Park halkaas oo ay xasuuq ugu gaysteen kooxda Tranmere.

Liverpool ayaa shaqadeeda qabsatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo Klopp uu isu soo daray dhawr ciyaartoy oo khibrad leh iyo ciyaartoy badan oo da’yar ah kuwaas oo la siiyay fursad ay isku muujin karaan.

Liverpool ayaa kooxda Tranmere ku xasuuqday 6-0 iyada oo Klopp uu jeclaystay wixii uu ku arkay kooxdiisa da’yarta u badnayd ee bilawga kulamada saaxiibtinimo.

Shaxdii uu Klopp ku soo shirtagay Qaybtii hore ee Ciyaarta

Liverpool XI:  Mignolet, Clyne, Phillips, Gomez, Larouci, Milner, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Kent, Wilson, Brewster.

Dhawrkii daqiiqo ee ugu horeeyayba waxay Liverpool heshay goolkeeda furitaanka waxaana dhamaystir qurux badan taageerayaasha Liverpool isku xusuusiyay xidiga amaahda ka soo laabtay ee Nathaniel Clyne kadib markii uu kubbad ka soo shaqeeyay Joe Gomez wuxuuna Clyne ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Intaas wixii ka danbeeyay waxay goolasha Liverpool noqdeen kuwo daad ah oo iska doo daba dhacayay waxaana si buuxda isku muujiyay xidigo badan oo da’yar ah kuwaas oo Klopp ku qasbaya in uu xili ciyaareedka cusub fursad siiyo.

Markii ay ciyaartu muddo nusu saac ka badan socotay waxay Liverpool heshay goolkeeda labaad waxaana goolkan u saxiixay da’yarka sida wayn isha loogu hayay ee Brewster kaas oo darbo madax ah goolkan ku dhaliyay.

James Milner ayaa banaan helay  wuxuuna kubbada ku soo hor karoosay goolka hortiisa waxaana soo celiyay Wilson isaga oo Brewster siiyay darbo madax qurux badan oo uu goolkan ku dhaliyay.

Intii ayna qaybtii hore ee ciyaartu dhamaan dayarka uu garoonku u shidnaa ee Brewster ayaa goolkiisa labad iyo kan saddexaad ee kooxdiisa Liverpool dhaliyay kadib markii ay Kent iyo James Milner soo shaqeeyeen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay Liverpool saddex gool dhalisay isla markaana uu goolhaye Mignolet shabaqa nadiif ah ilaashaday balse markii layskugu soo laabtay aybtii labaad Klopp ayaa shax cusub ku soo shirtagay.

Shaxdii uu Jurgen Klopp qaybtii labaad ku soo galay ciyaarta:

Liverpool XI: Jaros, Hoever, Matip, Johnston, Lewis, Fabinho, Jones, Woodburn, Duncan, Glatzel, Origi.

Liverpool ayaan waqti ku lumin in ay keensato goolkeeda afraad waxaana u saxiixay da’yarka Curtis Jones  kadib markii uu Origi kubbad la ciyaaray Woodburn waxayna ciyaartu si sahlan ku noqotay 4-0 ay Reds ku xasuuqayso kooxda ay martida u ahaayeen ee Tranmere.

Watigii ay jamaahiirta Liverpool sugayeen ayaa yimid kadib markii uu xidiga heshiiska cusub shalay saxiixay ee Divock Origi uu wacdarihiisii dhamaadkii xili ciyaareedkii hore uu ka bilaabay halkii uu kaga tagay kadib markii uu si cajiib ah u kala wareejiyay goolhayaha Tranmere si uu u dhaliyo goolka shanaad ee kooxdiisa Reds.

Origi oo qaybtii labaad ahaa kabtanka uu Klopp masuuliyada kooxdiisa ku soo aaminay ayaa halkii ka sii amba qaaday jacaylkii uu jamaahiirta Reds kaga soo samaystay kulamadii Champions league ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay.

Intaas kumay joogsan goolasha daadka ahaa ee Liverpool waxaana markiisa liiska gool dhaliyaasha kulankan ku biiray wiilka ay Steven Gerard ilmaadeerka yihiin ee Bobby Duncan kaas oo goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda kowaad kulankan ka dhaliyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 6-0 ay Liverpool guul ku gaadhay isla markaana ay qaabkii ugu fiicnaa ugu bilawdeen kulamada saaxiibtinimo ee xili ciyaareedka cusub loogu diyaar garoobayo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR