Luis Suarez Oo Maalintii Waayihiisa Ciyaareed & Noloshiisa Ugu Xumayd Ku Sifeeyay Ku Laabashadiisii Anfield Iyo Xogta Uu Ka Bixiyay Wixii Ciyaartoyda Barca Ku Dhacay.


Luis Suarez ayaa maalintii waayihiisa ciyaareed ugu xumayd waxa uu ku calaamadiyay maalintii ugu horaysay ee uu ku soo laabtay garoonkii uu magaca wayn ku soo yeeshay ee Anfield kadib guuldaradii xanuunka badnayd ee Champions league looga reebay.

Luis Suarez ayaa ka sheekeeyay wixii uu ciyaartoy kasta oo Barcelona ahi dareemay kadib markii ay Liverpool kala kulameen guuldaro 4-0 ahayd kulankii lugtii labaad ee afar dhamaadkii UEFA Champions league.

Luis Suarez ayaa cadeeyay in wixii ka danbeeyay goolkii furitaanka ee Liverpool in ay gabi ahaanba isku dhex yaaceen wuxuuna qirtay in ay garan waayeen qaab ay uga falceliyaan wixii ay Liverpool samaysay.

Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu Suarez siiyay Fox Sports waxa uu qayb ka mid ah kaga hadlay wixii Anfield ku soo qabsaday iyo xataa in uu carruurtiisa iskuulka gayn kari waayay.

Luis Suarez oo ka hadlaya wixii ku dhacay kulankii Anfield ee Liverpool ayaa yidhi: ‘Markiii uu goolka kowaad yimid, anagu maanu garanayn si looga jawaabo, waxaanu garanay in aanu xaqiiqdii isku dhex yaacnay”.

“Kadib ciyaarta ee qolka labiska dhexdiisa, muu jirin hal qof oo wax sheegi karayay. Waxaa jirtay murugo, waxaa jiray qadhaadh, waxaa jiray niyadjab, sababtoo ah  waxaanu garanay in aanu sawir xun bixinayno” ayuu Suarez hadalkiisa raaciyay.

Luis Suarez oo guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Anigu maan arag, sababtoo ah waxaanu nahay Barcelona, waxaanu ka fikiraynay in aanu laba ama saddex fursadood goolal ku dhalinayno, tan ayaanu sheegnay, laakiin waxaanu noqonay kuwo naxsan, waxaanu bixinay baasas nacasimo leh, maskaxdii saxda ahayd maanu muujin”.

Suarez oo ka hadlaya in uu xataa caruurtiisa iskuulka gayn kari waayay ayaa yidhi: “Anigu maan doonayn in aan caruurtayda iskuulka u qaado, qof kastaaba waxa uu arki karayay in aan xaalad aad u xun ku jiray. Waxaan qaatay maalmo aanaan doonayn in aan wax sameeyo, waxay ahaayeen waqtiyo aad u adag”.

Luis Suarez ayaa guuldaradii Anfield ku soo gaadhay barbar dhigay qaniinyadii koobkii aduunka ee 2014 kii ee afarta bilood kubbada cagta laga ganaaxay wuxuuna yidhi: “Maalmihii ka danbeeyay ee aanu Barcelona ku soo laabanay waxay ahaayeen waqtiyadii noloshada iyo waayahayga ciyaareed ugu xumaa oo la mid ah koobkii aduunka ee 2014 kii. Waxaan doonayay in aan aduunyada ka qarsoomo”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR