Ma Ahan Griezemann: Jose Mourinho Oo Bartilmaameedsanaya Xidigan 150-ka Malyan Lagu Qiimeeyo Ee Katirsan Atletico Madrid.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain Manchester United ayaa diyaarinaysa qorsho ay ugu guulaysanayso saxiixa xidiga Atletico Madrid Saul Niguez.

United ayaa waqti dheer xiisa u qabtay xidigan ku ciyaara lugta bidix, kaas oo shabaqa soo taabtay kulankii ay xulkiisu 2-1 kaga adkaden England, iyada oo lasoo sheegayo in uu Mourinho kadhigtay bartilmaameedkisa koobaad.

Saul ayaa qandaraaskiisa Atletico Madrid lagu bur-burin karaa adduun lacageed dhan 150-malyan oo Euro una dhiganta 134-malyan oo gani lacagtan ayaa ah mid aad u badan inkasta oo aysann ku adkaan doonin kooxaha waa wayn ee reer yurub marka loo hadlo waaqiciga kubadda cagta maanta.

Sida laga soo xiganayo warsidaha reer Spain ee OK Diario, kooxaha United, Manchester City, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid, ayaa dhammaantood kudagaalami doona saxiixa laacibkan katirsan xulka qaranka Spain.

Si kastaba ha ahaatee wargayska ayaa intaas kudaraya in Mourinho doonayo in uu xidigan soo qaato bisha January si uu kaga hormaro kooxaha kula xifaaltamaya.

Tababaraha reer Portugal ayaana qorshaynaya in uu iska iibiyo Paul Pogba si uu lacagta uu ka helo ugu adeegsado saxiixa Saul Niguez.

Qandaraaska Saul ee garoonka Wanda Metropolitano kaas oo uu saxiixay sannaddii 2017 ayaa kooxda kusii haynayay 9-sano oo is daba joog ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR