Ma Mesut Ozil Ayay Sidani U Danbaysay? Virgil Van Dijk Oo Xidiga Taariikhda Arsenal Ugu Mushaarka Badan Ceebeeyay.


Advertisements


Marka aad maqasho magaca Mesut Ozil waa markiiba kugu soo dhacaya waqtigii uu aduunka ku haystay gool caawinta iyo hal abuurka layaabka lahaa ee uu ka garab ciyaarayay xidigaha magaca wayn ee Real Madrid ama Arsenal.

Laakiin kubbada cagtu waxay leedahay xiliyo xun oo ay ciyaartoydu dareemaan in ay yihiin hadhka ama hooskii xidigii ay baryo ahaan jireen, waana arin uu hadda ku sifaysan yahay Mesut Ozil marka loo tixgaliyo mushaarka waalida ah ee uu qaato iyo xogtiisa garoonka dhexdiisa.

Difaaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa xog ahaan ku ceebeeyay xidigii mar boqorka Premier League loo bixiyay ee Mesut Ozil kaas oo ay adag tahay in xataa la filayay in ay arintani dhaci karto.

Waa hubaal in Mesut Ozil iyo Van Dijk ayna ahayn laba ciyaartoy oo isku boos ah ama xataa isku dhaw, laakiin haddana in Van Dijk uu ka goolal badan yahay Ozil waxay noqonaysaa arin la qariibsaday.

Waxay ahayd January 31, 2018 kii markii uu Mesut Ozil saxiixay heshiiskii abid ugu qaalisanaa ee Arsenal isla markaana laga saxiixay qandaraas ay maamulka Gunners si xun uga qoomameeyeen oo uu Ozil todobaadkii ku qaato £350,000 kun oo gini.

Liverpool waxay iyaguna 75 milyan gini kula soo wareegeen Van Dijk isla January 2018 kii waxaana markaas loo arkayay in Liverpool ay qaladkii ugu waynaa samaysay balse taasi waxay hadda u muuqaataa in lacagtaasi ay xili horeba Reds u soo noqotay wax ka badana ka faa’iiday.

Laakiin marka laga yimaado dhinaca lacagta, marka laga soo bilaabo January 31,2018 kii markii uu Mesut Ozil saxiixay heshiiskii Arsenal, waxa uu soo dhaliyay ama ku soo lug yeeshay goolal ka yar intii uu Van Dijk ugu soo lug yeeshay Liverpool.

Wargayska Telegraph oo tooshka ku iftiimiyay xaalada kala duwanaasho ee Mesut Ozil iyo Van Dijk ayaa shaaciyay in Ozil uu muddadan uu ku soo lug yeeshay 9 gool waana 5 gool iyo 4 gool caawin oo horyaalka Premier league ah.

Laakiin Van Dijk ayaa xili ciyaareedkan oo kaliya Premier league ka soo dhaliyay 4 gool waana in hal gool ka yar intii uu Mesut Ozil soo dhaliyay labadii sanadood ee ugu danbeeyay.

Van Dijk waxa uu isla muddada aan kor ku soo sheegnay ku soo lug yeeshay 10 gool oo Premier league ah waana 8 gool iyo 2 gool caawin.

Xogtan ayaa si wayn loogu bahdilay Mesut Ozil maadaama oo shaqadiisu tahay hal abuur gool caawineed ama gool dhalineed halka Van Dijk ay shaqadiisu tahay difaacasho balse in Van Dijk uu sidan uga sareeyo Ozil ayaa muujinaysa sida aanu Ozil u ahayn xidigii uu hore u ahaan jiray.

Advertisements


Inkasta oo Van Dijk uu ciyaaray kulamo ka badan inta uu Mesut Ozil ciyaaray, haddana taas ayaan xidiga reer Germany loogu cudur daari karin maadaama oo qaab ciyaareedkiisii liitay uu sabab u noqday in marar badan kooxda Gunners laga reebay.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR