Ma Sidanaa U Dambaysay? Sumcada Neymar Ee PSG Oo Maalinba Maalinta Xigta Dhulka Sii Galaysa & Kylian Mbappe Oo Jago Kala Wareegay.


Garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR ayaa u muuqda mid maalinba maalinta ka dambaysa waayaya sumcada iyo karaamada ay u hayaan jamaahiirta kooxdiisu kaddib go’aankii uu ku doonayay inuu baxo xagaagii.

Neymar, Xiddiga ugu qaalisan abid kubadda cagta caalamka ayaan haatan xataa wax sharaf ah ku dhex lahayn bakhaarka weyn ee Paris Saint-Germain ee ku yaala caasimada Paris laguna iibiyo alaabaha kooxda.

Xiddigaha kala ah Cavani, Marquinhos iyo Mbappé ayaa ah ciyaartoyda haatan inta ugu badan ay jamaahiirta PSG doonayaan maaliyadahooda iyo inay iibsadaan iyadoo waliba da’yarka ree France uu yahay midka ugu horreeya.

Bakhaarkan ayaa sidoo kale ah mid dhawaan la keenay maaliyadaha qaar kamida halyeeyada Paris sida Dogliani, Dahleb, Susic, Pilorget, Lama, Ginola, Weah, Rai, Ronaldinho, Pauleta iyo Zlatan Ibrahimovic.

Dhacdadan ayaa caddayn u ah sida uu Neymar u waayay kalsoonidii iyo jacaylkii jamaahiirta kooxdiisa kaddib ficiladii uu samaynayay suuqii xagaagii ee uu ku doonayay in loogu ogolaado inuu kooxda ka baxo.

Dabcan shaqo badan ayaa hortaala garabka ree Brazil waxaana uu u baahan doonaa inuu dib u helo jacaylka iyo taageerada jamaahiirta Parc des Princes.

Taageere sawirro ka qaadanayay maaliyada halyeeyada PSG oo goobta ku sugnaa ayaa si keddi ah loo weydiiyay “Maxay tahay inuu Neymar sameeyo si uu u hanto jamaahiirta PSG?” waxaana uu ku jawaabay isagoon wakhti iska lumin “Neymar miyaa? Waxa uu u baahan yahay inuu ku guuleeyo Champions League”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR