Maalinta HIV/AIDS: Toosinta fahamka qaldan waa waajib ina wada saaran

1-da December waa maalin loo asteeyay in las xasuusto dadka la nool xannuunka Aids-ka iyo fayraska HIV.

Hadaba dadka xannuunkan qaba ama sida Fayras-ka HIV ayaa waxa soo wajaha dhibaatooyin badan oo dhinac walba leh. kuwaas oo sii adkeeya noloshooda, dedejiyana inay u dhintaan xannuunkan.

Dhibaatooyin dhaqaale xumo, gaar ahaan wadama saboolka ah. dadkan waxa ku adag inay shaqo helaan, aragtida qaldan ee bulshadu ka qabto xannuunka iyo qofka qaba darteed.

Dadka xannuunkan qaba iyo kuwa Fayras-ka HIV-ga sida waxa lasoo derista takoorid, quudhsi, iyo in lagu tuhmo in ay iyagu sabab u yihiin xannuunka haleeyay, falal fool xumo oo ay ku kaceen darteed.
Ehelka, xaasaska iyo caruurta ay dhaleen dadka xannuunkan qaba ayaa iyagana ay saamaysaa irdhayntu oo laga dhigaa tuke-baal cad. sidii dad fadaraysan oo ay tahay in laga fogaado.

Wadama dunida saddexaad qaarkood dadkani waxay la kulmaan khaarajin, Jidh-dil ama cunaqabatayn bulsheed.

Majirto waxbarasho sax ah oo ku saabsan xannuunkan, sida lagu kala qaado, sida loola noolaado, taageero nafsi ah oo loo fidiyo qofka iyo ehelkiisa iyo wacyi-gelin bulsheed oo lagu saxayo faham darada la xidhiidha xannuunka Aids-HIV.

Cilmi baadhis ay iska kaashadeen hay’ada WHO iyo hay’ada la dagaalanka cudurada faafa ee European Union-ka sanadkii 2013 kii, ayaa kusoo gebagebaysay caqabadaha ugu wayn ee bukaankani la kulmo saddex arimood:

1. aqoon daro bulshoooyinka ka haysata xannuunka.
2. waxa ku adag in badan in ay helaan dawooyinka casriga ah ee sida wayn u xakameeya xannuunka.
3. dhaqaale daro haysata iyaga iyo ehelkoodaba.
Dalalka Somaliland iyo Somalia waxa adag in la helo tirakood rasmi ah oo ku saabsan dadka xannuunka qaba.

Laakiin waxaa hubaal ah in ay jiraan tiro aan la dhayalsan karin oo xannuunkan la daalaa dhacaya.

Inbadani aamusnaanta ayay ku silcayaan, taageero la’aana way ku god galaan.

Marka laga yimaado mas’uuliyada Dowladaha: gaar ahaan wasaarada caafimaadka. waxa ay mas’uuliyad culusi saaran tahay Bulshada guud ahaan in ay xayiraada iyo takoorka dadban ka qaadaan bukaanka xanuunkan.

Hadaba sidee ayaynu uga qayb qaadan karnaa fududaynta duruufaha adaga ee bukaanka Aids-ka haysta:

Waa in aan xukun akhlaaqeed (Judgemental attitude) oo garowshiinyo la’aan ah lasarin qof buka. cudurkani wuxuu ku dhici karaa qof kasta, si kasta oo aad u dhowr soon tahay ama u taxadar badan tahay, sababta oo ah way badan yihiin hababka loo qaadi karaa.

Waa in ay helaan dadkani shaqo gelin iyo iloo dhaqaale oo ay kaga badbaadi karaan nolol xumo dedejisa in xannuunku dilo.
Caawimada ugu wayni waa garowshiinyo, in qalbi debecsan lagu qaabilo oo aan lagu eegin il-tuhun iyo eedayn xambaarsan.

Ugu danbayn ogow Ilaahay (SWT) uunbaa Xaq uleh in uu wax xisaabiyo, abaal mariyo ama ciqaabo haduu doono
Khal-qigiisa aan ula dhaqano sidii aynu jeclaan lahayn in la inoola dhaqmo.

Allaah mahad iska leh.

WQ: Cabdikariim Daahir Xasan

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR