Maaliyadda Arsenal gurigeeda ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe oo si qarsoodi ah loo helay… (& Taageerayaasha ku maadeystay)


(London) 07 Abril 2021. Maaliyadda kooxda kubadda cagta Arsenal ku ciyaari doonto marka ay garoonkeeda joogto xilli ciyaareedka dambe ayaa internet-ka lagu baahiyay iyadoo la xaday, waxaana durba qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda ay kaga fal celiyeen si madaddaalo ah.
Funaanaddan oo ay soo bandhigtay FootyHeadlines ayaa sida caadiga ah ka sameysan midabka gaduudka, gacmahana waa ay cad yihiin, sidoo kalena funaanadda geesaheeda ayaa cad.
Isku soo duub e, maaliyaddan ayaa aad u shabbahda maaliyadda kooxda Ajax ee ka ciyaarta horyaalka Eredivisie ee dalka Netherlands, waxayna taageerayaasha arkay maaliyaddan ay kaga fal celiyeen si aanan soo dhoweyn lahayn.
Maaliyaddan la rajeynayo in la iib geeyo bisha July ee bartamaha sanadkan, hase ahaatee, barta Twitter-ka ayaa waxaa is qabsaday aragtida laga dhiibanayo maaliyaddan sida xad dhaafka ah u shabbahda tan Ajax.
“Arsenal dhabtii maaliyadda Ajax ayay sameysatay, calaamaddeeda ayayna ku dul dhajisay” mid ka mid ah taageerayaasha ayaa soo kusoo qoray barta Twitter-ka.
Mid kale ayaa soo qoray: “Inaan u lebisanno sida Ajax ma na gaarsiineyso inaan Champions League ciyaarno saaxiibbayaal”.
Si kastaba ha ahaatee, maaliyaddan ay Arsenal ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka 2021-2022 ayaa lasoo bandhigi doonaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Gool FM.
Let’s block ads! (Why?)