Maamulka Barcelona Oo Si Baas Ugu Digatay Cristiano Ronaldo Kadib Ku Guulaysigii Messi Ee Ballon d’Or-ka

Javier Bordas Oo Ka Mid ah Madaxda kooxda Barcelona ayaa si abaas ugu digtay Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu Lionel Messi ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2019.

Javier Bordas ayaa sheegay in ay ahayd in uu Lionel Messi 10 abaalmarin oo Ballon d’Or-Ka ka badnaado Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Argentine ayaa markii 6-aad ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or isaga oo haatan hal abaalmarin ka badan Ronaldo.

Laakiin Bordas ayaa dareensan in ay ahayd in uu Messi abaalmarino badan dheeraado Cristiano.

“Messi Waxa ay ahayd in uu 10 Abaalmarin ka horeeyo Cristiano”ayuu Bordas u sheegay Cadena COPE.

“Laakiin dabcan haatan hal mid ayuu dheeraan doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR