Macalin Guardiola Oo Amaan Kala Duldhacay De Bruyne, Isagoona………

Macalinka kooxda Kubada cagta Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Cayaaryahankiisa Kevin De Bruyne uu u qalmo in lasiiyo abaal marinta Ballon d’Or’

Pep Guardiola ayaa sheegay in Cayaaryahankiisa Kevin De Bruyne uu leeyahay xirfad aan ka liidan mida ay leeyihiin Cayaartoyda Ronaldo iyo Messi isla Markaana uu u qalmo in uu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or’

De Bruyne oo 26 Sano jir ah ayaa xiligaan dhaliyey 11 Gool 18 na waa Caawiyey isaga oo sidoo kale Todobaadkaan noqdey Cayaaryahanka ugu Caawinta badan dhamaan Cayaartoyda ka Cayaarta shanta Horyaalka ee ugu saraysa yurub waaana uu Caawiyey Tan iyo 2012 kii 77 Gool waxaana uu booska kala baxay Messi oo Caawiyey 76 Gool.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR