Machadka Heritage oo Warbixin Dheer kasoo saaray Xukuumadda Farmaajo

Muqdisho
(PP) ─
Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda
Somalia ee Heritage oo xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa toddobadkan soo saaray
warbixin dheer ka qoray Dowladda uu hoggaaminayo Farmaajo tan iyo markii xilka
loo doortay oo laga joogo laba sano.

Warbixinta Heritage, ayaa
lagu billaabay sidan: Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa Madaxweynaha Somalia loo
doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isagoo ballan-qaaday in uu horseedayo
is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, musuq-maasuqa, kobcinayo dhaqaalaha,
la dagaalamayo, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa.

Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo
waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u
suurto galeen, kuwo kale oo badan – oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo
Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin.

Dhanka guulaha, Xukuumadda
Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen dadaalada in
Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha
maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen
dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna
ku mintideen wada-shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad),
sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu
doorashada ku galay.

Warbixita ayaa waxaa lagu
sheegay in ballan-qaadyadii Farmaajo ay waxba iska soo tari waayeen, kuwaasoo
ay ka mid ahaayeen in Xukuumaddu ay uga adkaan doonto Al-shabaab muddo laba
sano ah. Sidoo kale waxaa ku jiray in sidoo kale uu ku guul-darreystay ballan-qaadkiisii
ahaa inuu furayo waddooyinka Muqdisho ee xiran, taas badalkeedana waxaa si aad
ah u sii kordhay xirnaashaha wadooyina Muqdisho.

Ugu dambeyn, Qodobbada kale
ee lagu dhaliilay inay xukuumaddu wax ka qaban wayday ayaa waxaa ka mid ah, amniga
iyo siyaasadda, kuwaasoo la sheegay in dowladdu ay ku fashilan tahay, isla
markaana aan looga fadhin inay wax ka qabato sannadaha u haray.

AKHRISO: Warbixinta Machadka Heritage uu kasoo saaray Dowladda Farmaajo

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR