Madax Waynaha Dalka Ruuska Vladimir Putin Oo Feedhyanka Muslimka Ah Ee Khabib U Fuliyay Balan Uu Hore Ugu Qaaday.


Madax waynaha dalka Ruuska ee Vladimir Putin ayaa fulinaya balan qaad uu u sameeyay feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov wuxuuna Putin ansixiyay lacag 10 milyan dollar ku dhaw oo lagu maal galinayo waxbarashada goobta uu Khabib ka soo jeedo.

Madax wayne Vladimir Putin ayaa si layaableh u soo dhaweeyay feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov kadib markii uu bahdilaad u gaystay Conor McGregor sanadkii la soo dhaafay markaas oo ay xiisada colaadeed ee UK iyo Russia cirka maraysay.

Markii ay Vladimir Putin iyo Khabib muleen ee kulankii hambalyanta guushiisa waxa uu Khabib dalbaday in jamhuuriyada Dagestan oo ka mid ah dawlada federaalka Russia oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo in Putin uu u sameeyo iskuulo waxbarasho oo hanaanka tacliinta sare loogu soo qaadayo.

Waxaa hadda la xaqiijiyay in Madax waynaha Russia ee Vladimir Putin uu ansixiyay lacag 7.3 milyan gini ah oo lagu maal galinayo waxbarashada Dagestan oo uu Khabib dhalasho ahaan ka soo jeedo taas oo keenaysa fulinta balan qaadkii uu Putin u sameeyay Khabib.

Feedhyahanka muslimka ah ee Khabib ayaa aduunka muslimka ah taageero waali ah kaga helay qaabkii uu u karbaashay Conor McGregor  oo diinta Islaamka wax xun ka sheegay, wuxuuna hadda Khabib ka mid yahay shaqsiyaada Muslimka dhexdiisa loogu ixtiraamka badan yahay.

Kulankii dhex maray madax wayne Putin, Khabib iyo aabihii Abdulmanap ayaa sanadkii hore looga hadlay sida wax barashada Degestan ay ugu baahan tahay in wax laga qabto waxayna hadda wajiga Khabib ku heli doonaan lacag aad u badan oo Tacliinta loogu maal galinayo.

Iskuul ay ku baxayso lacag gaadhaysa 7.3 milyan gini ayaa laga hirgalin doonaa halka uu Khabib dhalasho ahaan ka soo jeedo ee jamhuuriyada Dagestan waxaana iskuulka loo bixin doonaa ‘ Khabib Nurmagomedov’.

Khabib aabihii Abdulmanap ayaa Teacher’s Newspaper u sheegay: ‘Kadib dalabkii Khabib, Vladimir Putin wwaxa uu saxiixay qoondayn 600 milyan rubles ah (7.3 milyan gini) oo ay leedahay Jamhuuriyada dgestan si loogu furo iskuul loogu magac darayo  Khabib Nurmagomedov.’

“Waxaan rajaynayaa in lacagtani ay tagi doonto sidii loo qorsheeyay isla markaana aanu heli doono fursad ka fiican oo tacliinta loogu burto oo natiijo fiican bixin karta, tan waanu ka shaqayn doonaa” ayuu Khabib aabihii hadalka sii raaciyay.

Khabib ayaa ganaax ku jiray tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii uu ku bahdilay McGregor laakiin September 7 ayuu ku soo laaban doonaa saaxada feedhka markaas oo uu Dustin Poirier kulan kula qaadan doono  Abu Dhabi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR