Madaxwaynaha Valencia Oo Xaqiijiyay In Michy Batshuayi Uu Dib Ugu Laabanayo Chelsea.

Michy Batshuayi ayaa kusoo wajahan London si uu dib ugu soo laabto kooxdiisi hore ee Chelsea sida uu xaqiijiyay madaxwaynaha Vakencia Mateu Alemany.

Weeraryahanka Belgium ayaa 3-gool shabaqa ku hubsaday kadib 23-kulan oo uu u saftay kooxda ka ciyaarta LaLiga ee Valencia.

Batshuayi ayaa sidoo kale heshiis amaah ah uga soo ciyaarya horyaalka Bundesliga markaas oo uu qaab ciyaareed qurux badan lasoo qaatay kooxda Borussia Dortmund.

“Ciyaaryahanku waa uu ka warqabaa, inaguna waxa aan rajaynaynaa in ay labada dhinac xalka ugu wanaagsan gaaraan sida ugu dhaqsiyaha badan.”ayuu yiri madaxwayne Mateu Alemany.

“Waxa aan rajaynaynaa in uu baxo saacadaha ama maalmaha soo aaddan.”ayuu hadalkiisa kusoo idleeyay Alemany.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR