Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq (SAWIRRO)


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor ) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Caabudwaaq ku soo dhaweeyay Maamulka degmada iyo Bulshada ku nool, waxaana xalay ilaa Maanta ay ku sugnaayeen degaannada Dhabad ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo kulamo kala duwan degaankaas kula lahaa Odayaasha iyo waxgaradka degaankaas.

Madaxweynaha Galmudug oo uu wehliyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan ay la qaataan Bulshada iyo Maamulka degmada oo qaarkood Maamulka Galmudug cabasho ka qaba.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray dad cabasho kala duwan ka qaba Maamulka Galmudug oo Sawirka Madaxweynaha ka fiiqay meelo ka mid ah Degmada Caabudwaaq.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR