Madaxweynaha La Liga Javier Tebas oo ka farxiyey taageereyaasha kooxda Barcelona, isagoo ka hadlay mustaqbalka Leo Messi

Madaxweynaha horyaalka La Liga Javier Tebas ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu Lionel Messi durba qandaraas cusub u saxiixay kooxdiisa Barcelona.

Mustaqbalka kabtanka xulka Argentine Messi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ay warbaahintu ka hadleysay, wararka ayaana sheegayey inuu Messi doonayo inuu ka tago Barca tan iyo markii uu Neymar ku biiray Paris Saint-Germain – kooxda Manchester City ayaana si weyn loola xiriirinaayey.

Laakiin Barcelona ayaa xilli ciyaareedkaan si dhalaaleysa ku bilaabatay, Messi ayaana haatan daaha laga qaaday inuu ku faraxsan yahay joogistiisa Camp Nou Stadium.

Messi qandaraaska wuu u cusbooneysiiyey kooxdiisa Barcelona,” – Madaxweynaha horyaalka La Liga Tebas ayaa sidaasi u sheegay Europa Press.

“Qandaraasyada ay saxiixaan ciyaartoyda La Liga waxay rasmi yihiin marka la saxiixo ma ahan inay rasmi yihiin marka saxaafadda loo xaqiijiyo. Messi qandaraas cusub ayuu u saxiixay Barcelona. Haddii aan been la ii sheegin, Messi wuu saxiixay qandaraaskaas”.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR