Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Maamulkaasi (SAWIRRO)

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdulalahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha maaliyadda Puntland, gaar ahaanna ilaalinta karashaadka Maamulka ee xilligan kala-guurka ah oo ay is-beddelayaan madaxda u sarraysa Puntland.

Wararku waxay sheegayaan, in wasiirka maaliyadda intii kulanku socday wax laga weydiiyay in uu dhaqan-gelay amarkii madaxweynaha cusub ku xannibay dhammaan kharashaadka dowladda ee ku kaydsan bangiga dhexe iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne Dani ayaa maalintii loo dhaariyay xilka madaxtinimada Puntland wuxuu isla maalintaasi soo saaray amar uu ku mamnuucayo in qarashaad laga bixiyo Akoonada maamulka uu leeyahay Bankiyada Puntland.

Doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa lagu doortay Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Siciid Cabdulaahi Dani.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR