Madaxweyne Donald Trump Oo Xaalkiisi Alow Sahal Noqday Iyo Midowga Afrika Oo Raaligalin Ka Dalbaday Trump Hadal Uu Yidhi.

Washington-(BON)-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay hadalo cunsuriyad iyo xishood daro ka muuqato, taa oo dhalisay xasaasiyad iyo caro ka timid dad kala duwan oo caalamka daafihiisa kunool .

Donald Trump oo ka hadlayay sharciga cusub ee dadka Soo galootiga dalka Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay hadalo si gaar ah ula beegsaday dadka kasoo jeeda dalka Haiti iyo kuwa qaarada Afrika.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka shan qariyay hadalo ay adag tahay in af Soomaali lagu turjumo ayna ka muuqato cunsuriyad iyo meel ka dhac meeshii ugu xumeyd uu u geesanayo dadka soo galootiga ah.

“Maxaan ku dooneynaa in aan dalkeena u keeno dalalkaas ka soo baxay xaga danbe” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mareykanka xili uu ka qeyb galayay shir looga hadlayay qaxooti kaga soo qaatay dalal Afrikaan ah iyo dalka Haiti.

Dalka Mareykanka ayaa qaabilay ogolaansho KMG ahna siiyay Qaxooti ka badan 50, 000 oo u dhashey dalka Haiti kadib markii uu dalkaasi ka dhacay dhul gariir dad badan ku dhinteen sanadkii 2010-kii, waxa uuna Trump doonayaa in dadkaasi dalkoda dib loogu celiyo.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa dhalisay caro badan ,waxaana hadalkan cunsuriyada ka muuqato cambaareeyay wadamo ay ku jirto Botoswana Ururo caalami ah iyo dad kale oo magac leh.

Dhanka kale Midowga Afrika ayaa si weyn uga carooday hadalkii gafka ahaa ee dhawaan uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump , hadalkan ayaana ka careesiiyay dadyow badan oo daafaha Dunida kunool.

War Saxaafadeed si adag loo qoray oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu muujiyay sida uu Midowgu uga soo horjeedo hadalka sharaf dilka ah ee kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka.

Wakiilada Midowga Afrika ee ku sugan caasimada Washington, ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin, ugana careysan yihin hadalkii Trump, taasi oo ay ku sheegeen inay xaqiijineyso in maamulka Mareykanka uu si qalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Dalka Botoswana oo kuyaala Koonfurta Qaarada Afrika ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo muujiyay carada hadalkii kasoo yeeray Donlad Trump, waxa ayna u yeertay dowladaasi safiirkii Mareykanka u joogay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka shan qariyay hadalo ay adag tahay in af Soomaali lagu turjumo ayna ka muuqato cunsuriyad iyo meel ka dhac meeshii ugu xumeyd uu u geesanayo dadka soo galootiga ah.

“Maxaan ku dooneynaa in aan dalkeena u keeno dalalkaas ka soo baxay xaga danbe” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mareykanka xili uu ka qeyb galayay shir looga hadlayay qaxooti kaga soo qaatay dalal Afrikaan ah iyo dalka Haiti.

 

Xafiiska Wararka BooramaOnline.Com
London-Uk

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR