Madaxweyne Farmaajo: Allow guuli kuu dhoweydaa…

Fuleey! Fuleey ma calfado wuxuu rabo saa naftaan ku simaynee! Doqon ma calfado wuxuu rabo saa xin baa u diidiyee! Tukana caano ma calfado saa qarkuu kaga istaagiyee!… Madaxdii dalka waa ay soo kala tageen, muddoo 7aad ku dhow oo ay shirayeen gunaanadkeedii wuxuu noqday gacmo isku seyr iyo iyadoo la kala xanaaqsanyahay in la soo kala tago, dad-weynahana laga wada qarsaday xogtii ay xaqa u lahaayeen xan ay war-baahinta soo ururisay oo aan rasmi ahayn mooyee, waxa ugu weyn ee shirkaas laga faa’idayna waxay tahay in maanta dad-weynaha u qiimaysanyihiin madaxda dalka hoggaankiisa haysa iyo nooca ay yihiin, haba ugu horeeyso madaxda xukuummadda dhexe, madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, waxaana la oran karaa wax dhab ahaan shirkaas ku khasaaray waa xukuummadda dhexe.

Waxaa cajiib ah in shirkii laysugu yimid Garowe ay madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha qaabkii ay ku yimaadeen uu ahaa mid ay caro ku jirto oo ujeeddadiisu ahayd wax iska dhicin iyo inay ka soo adkaadaan maamullada  ay la kulmayaan, mana aysan rumaysnayn in labada dhinaca ee madaxda maamul-gobleeddada iyo iyaga ay labadaba yihiin dowladdii Soomaaliya, waxaana ku talo galkoodu ahaa inay la kulmayaan dad ka soo hor jeeda dowladda ama kooxo mucaarrad ah oo kale, waana meesha ay  ka soo bilaabanayso colaadda ay madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa abuureen isla markaasna ay kula jiraan maamul-goboleeddada, waxaadna moodaa in labada nin aysan rumaysnayn ama garowsanayn in dowladda goboleeddada ay ka tirsanyihiin si rasmi ah dowladda federal-ka, waana arrin si cad dhaqankooda looga dheehan karo haddii ay tahay hadal iyo ficilba.

DHinaca kale, madaxda maamul-goboleeddada ayaa iyagana u muuqda inay fahamsanyihiin oo ay indhaha ku hayaan in hab dhaqanka dowladdu federalka uu ka maqanyahay ama uu inkirsanyahay si cad oo ku talo gal ah inay yihiin dowlad goboleeddada ay ka samaysantahay dowladda federal-ka xubinimadoodana ay ku dhisantahay dowladnimmada isla markaasna ay leeyihiin si dastuurka waafaqsan awoodo is maamul hoose oo gaar u ah, iyo mid siyaasadeed oo ay tahay in laga talo galiyo arrimaha dalka… marka shirkii Garowe laysugu tegay way iska cadayd inuu natiijo la’aan ku dhammaanayo laguna sii kala fogaanayo, waxaana hadda ay arrintu noqonaysaa si ka duwan siyaabihii hore, waxaana shaki la’aan bilaabanaysa  in wax kasta oo ay dowladda federal-ka soo jeediso ay mawqif ka qaataan maamul goboleeddada xataa haddii uusan iyaga dhib ku ahayn si ay u muujiyaan kaalinta siyaasadeed ee ay leeyihiin iyo waliba si ay shakiga uga saaraan kaalinta wakiillada aqalka sare ee iyaga ku fadhiya magaca maamul goboleeddada, waana sababta keentay in dowladda federal-ka ay la colowdo aqalka sare, waxayna xubnaha aqalka sare u aragtaa wakiilo si toos ah ugu taagan maamul-goboleeddada, waayo xubnaha aqalka sare ayaa ku fadhiya oo laga soo xulay magaca maamul goboleeddada, waana waxa ay uga duwanyihiin golaha shacabka oo isaga xubnihisa lagu soo xulay  nidaamkii hab beeleedka ahaa ee 4.5.

Farmaajo, inuu maamul goboleeddada heerkaas la gaaro waxaa inta badan ku dhiiri geliyay Abiy Axmed Cali, ra’iisal wazaaraha Itoobiya, oo uu la galay heshiisyo aan ilaa iyo hadda cid ka war haysa waxay ku salaysanyihiin aysan jirin, xataa xubnaha xukuumadda. Waxaa arrintaas si cad looga dheehan karay duulaankii ay ciidammada Itoobiya ka geysteen maagaallada Baydhabo December 13, 2018, iyagoo si barer ah u faro gelinaya arrimaha gudaha dalka, hor joogsadayna inay doorasho xor ah ka dhacdo maamulka Koonfur-Galbeed isla markaasna ku xad-gudbay oo soo xiray murashax Mukhtaar Roobow oo isagu guddiigii doorashada ee maamul goboleedku u aqoonsadeen inuu yahay murashax buuxiyay shuruuddii tartanka, oo la siiyay shahaadadii murashaxnimmada!…. talaabadaas oo waqtigaas ahayd farriin cabsi gelin ah oo ku socotay maamul goboleeddada kale oo ay ugu horeysay Puntland oo doorashadeedu maalmo ka dhinaanyeen. Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo uu markaas xukumay hoggaan aad jilicsan oo musuqmaasuqu heerkii ugu sareeyay gaaray waxay fara gelinta handdadaadda, cudud sheegashada, iyo laaluushka loo soo adeegsaday ka badbaadday xil-dhibaannadii cusbaa oo aad u fahmsanaa dagaalka iyo colaadda ay dowladda federal-ka ku hayso maamul goboleeddada.

War-bixintii la xiriirtya shirkii Garowe ee uu jeediyay madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Max’ed (Saciid Dani) waxay iyadana marqaati cad u ahayd sida dowladda dhexe uga madax adaygtay in talada iyo dejinta nidaamka siyaasadeed ay qayb ku yeeshaan dowadaha xubnaha ka ah nidaamka federal-ka ah ee uu dalku qaatay, in kastoo sida ka muuqatay Deni uu ka aslaaubaysnayay wuxuu czdeeyay inaysan jirin wax natiija ah oo laysla gaaray, waxaase tallaabo la xiiseeyo ahayd tallaabada ay maamul goboleeddadu uga jawaabeen natiijadii uu ku dhammaaday shirkii Garowe taasoo ay diideen nidaamkii canshuurta ay dowladda federal-ka ku soo rogtay maamul-goboleeddada, waxaana arrintan  loo qaadan karaa bilowga talaabooyinka ay maamul-goboleeddada ku barayaan dowladda federal-ka ah awoodda ay leeyihiin… waxaa iyadana hubaal ah in go’aankaas ay qaateen dowlad goboleeddad  oo ay ku diideen canshuurta ay soo rogtay wazaaradda maaliyadda haddii ay ka dhabeeyaan ay tallaabadaas soo dedejin karta in loo noqdo wada xaajood luuqadda qaynuunka lagu wada hadlayo, waana  irrid keliya ee u furan dowladaha federal-ka tirsan. Waxaa arrin kale oo muhiima ah in dowlad goboleeddada ay ajandayaashooda ku darsadaan in dowladda federal-ka ay  baraan hadaysan aqoon Aqlka Sare, isla markaasna ay fahamsiiyaan inay tahay hay’ad sharci ah oo madax bannaan awoodeeduna ku qeexantahay dastuurka.

Farmaajo iyo KHeyre, waxay heleen fursad ay wajiga siyaasadeed ee dalka oo dhan wax kaga bedeli kari lahaayeen kuna midayn kareen nidaamka siyaasadda ee dowladda, laakiin qof ay meel u cadahay ama dano gaar ah leh waxaa damqaya dantaas oo keliya, waxana gelaysa fuleynimo iyo cabsi uu dantaas u baqayo, sidaa daraadeed waxaa adkaanaysa siduu u gaaro danta weyn ee waajibaadkiis ah. Irrido furnaa ayeey soo xireen, waxayna garan waayeen xataa inay wax dabciyaan, rajo muujiyaan, waqtiga jiidaan, dib wax u dhigtaan, laakiin mar keliya intay jilibka aasteen bay MAYA mooyee wax kale aysan shirka la tegin, si aad moodeyso inay fulinayaan qof kale amar uu soo siiyaya oo aysan talada rogrogi Karin…hadaysan dadkii talada la lahaa oo ahaa dowlad goboleeddada la tashanayn yeey la tashanayaan?!…Sidaan u burburnay waxaa ka daran sida laynoo soo dhex galay!…Allow guuli u dhoweydaa!…Markuu Farmaajo ku haray Garowe,  dad badan ayaa filayay inuu talo u horay oo uu wax soo kordhin doono, waxayse rajadaas ku dhammaatay in sidii caadadiisa ahayd uu albaabka hoosta ka xirto!…

Natiijadii shirkii Garowe waxay shacabka u qeexday tayada ay leedahay dowladda ay taladooda ku aamineen, waxayna ku abuurtay wallaac weyn oo ay ka qabaan sida ay dowladda u maarreyn karayso arrimaha la soo gudboonaan kara siiba marka ay timaado siyaasadda arrimaha gudaha, waxayna dareemayaan inaysan dowladda dhexe ahayd tix geliso isu soo dhoweynta dadka, talada dalkana aysan ku koobin golaha fulinta ee dowladda dhexe oo keliya. Dowladda federal-ka iyo xubnaha dowlad goboleeddada waxaa hadda looga fadhiyaa inay sii wadaan wada hadalkii bilowday, waxaana taas ay ka bilaaban karaysaa guddii isku dhaf ah oo khubara ah oo laga soo xulaya golayaasha dowladda dhexe, dowlad goboleeddada, oo xog ogaal u ah arrimaha iyo khilaafaadka jira in lagu soo daro kulanaka dhex maraya dowladd dhexe ee federal-ka iyo dowlad goboleeddada, waayo talada ma aha id gaar u ah madax-weynaha dowladda federal-ka, ra’iisal-wazaaraha iyo madaxda dowlad goboleeddada, waxaana shaki la’aan ah in laga gudbi caqabadaha jira haddii lala yimaado daacadnimo iyo danta guud oo keliya miiska loo soo wada fariisto…waxaana la gudboon dhammaan dhinacyada wada hadlaya inay maanka ku hayaan in xeer kasta oo lagu heshiiyo ama la dhigto in marka cilado lagala kulmo la bedeli karo, oo aysan ahayn waxyi samaawi ah!…goob-joog shisheeyaan loo baahnayn, talo shisheeyaan loo baahnayn, baahideenna ugu weyn waa daacadninmo, wax isu quurid, iyo in loo dhabar adaygo ilaa danta ummadda meel lagu soo gunto…wada hadalkuna ha socdo!…

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR