MADAXWEYNE FARMAAJO: Culummadu waa inay dowladda kala shaqeeyaan sugidda Amngia

Muqdisho (PP) ─  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culummada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey
Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo
dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay
ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.

“Waa waqtigii culimada
Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku
faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta
amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada
oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa
sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi
karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda, waxa
uuna tilmaamay in sare u qaadidda dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka
iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yihiin xalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa
xusay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka
Qalabka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku leeyihiin culimada iyo ganacsatada
Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyigelinta.

Ugu dambeyn, Furitaanka Shirkan waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan iyo Wasiirro kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR