Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah dalka dib ugu soo laabtay.

Farmaajo ayaa safaro ku tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga halkaasi oo kulamo kala duwan kula soo qaatay Madaxda dalalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha wafdigiisa ayaa soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay Villa Somaliya.

Ammaanka wadada isku xirta Madaxtooyadda Somaliya iyo Garoonka Aadan Cadde ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana ammaanka sugaayay ciidamada Koofi gaduuda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Jabuuti kula soo kulmay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xaaladda labada dal iyo hadalkii Jabuuti ay ka carootay ee Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay dalka Eretria, kaasi oo ahaa in xayiraada hubka laga qaado dalkaasi.

Safarkii Turkiga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi wuxuu kaga soo qayb galay Shir lagu marti qaaday, kaasi oo ay isugu yimaadeen Xisbiga talada haya ee AK.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR