Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Suldaanka cusub ee dalka Cuman

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo oo  ku sugan Dalka Cuman ayaa waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka
Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.

Madaxweyne Farmaajo oo 
halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada
dheer Suldaan Qaboos bin Saciid  oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna
geerioyoodey da’da 79 jir.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid isagoo Marxuumkana Alle uga baryey in uu  Naxariista Jano in uu siiyo. Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR