Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay dacwo uu sheegay in laga gudbiyay Dowladda

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirka culummada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Xamar, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jirta ay ka mid tahay dhaqan-xumo siyaasadeed, isagoo xusay inaan la kala garaneyn mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin.

Farmaajo ayaa sheegay in Somalia
ay heysato faragelin shisheeye, wuxuuna ku tilmaamay wax aan la qaadan karin
xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira iyo mucaaradku ay dowladdiisa ku
dacweeyaan beesha caalamka.

“Dumin Qaran ayaa jirta,
marka laga hadlayo Dowladnimada geedka jiridda in laga gooyo oo xasillooni loo
diird oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la beddelo oo
inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye,” ayuu yiri
maaxweyne Farmaajo.

 Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu hadalkiisa ku
daray. Caqabadaha na haysta ayay ka mid tahay arrintaan, faragelin shisheeye
ayaa jirtay tan iyo intii ay dowladnimada Soomaaliya burburtay.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa
cidna si gaar ah farta ugu fiiqin, wuxuuse wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda
laga tashado oo sidoo kale intii lala hadli lahaa madaxda dalka loo kala
dhuunto in caalamka lagu daweeyo.

Hadalka Madaxweynaha ayaa
laga dareemayay inuu jawaab u yihiin dhaq-dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda
magaalada Nairobi oo ay wadaan xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira, kuwaasoo
doonaya inay beesha calaamka weydiistaan in si toos ah kaalmooyinkooda loo soo
gaarsiiyo intii loosoo marin lahaa dowladda 
dhexe ee dalka.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii
ay Dowladda Federaalka Somalia ka eriday Muqdisho ergaygii Qaramada Midoobay ee
Somalia Nicholas Haysom ayaa waxaa dowladda la saaray cadaadisyo caalami ah, iyadoo
la billaabay in si gooni-gooni ah loola kulmo madaxda maamullada dalka ka jira.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR