Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo xilka ka qaaday Wasiirkii taageeray dhiibista Qalbi Dhagax

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19  September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Wasiirkaan xilka laga qaaday ayaa Wareysi uu siiyay Idaacada VOA, wuxuu kaga hadlay arrimaha ku aadan Kiiska Qalbi Dhagax oo uu taageeri u muujiyay.

Wasiiru dowlaha shaqada laga ceyriyey Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan ayaa kusifeeyey go’aankii ay qaadatay Xukuumadda Xasan Cali Kheyre mid sax ah, wuxuuna si aan caadi aheyn u dhaliilay Jabhadda ONLF oo sheegata in ay u dagaalanto Madax banaanida Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa ku eedeeyey Wasiiru dowlaha shaqada laga qaaday Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo iyo masuuliyad daradda uu ku kacay, taas oo ugu dambeyntii shaqada laga qaaday.

 

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR