Madaxweyne Waare oo shir guddoomiye kulan xasaasiya oo ku saabsan Amniga Hirshabeelle

Madaxweyanaha
dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta oo Khamiis ah
shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadla arrimaha amniga degaannada
maamulkaas.

Shirka
ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan Milatariga,Amisom gudoomiyaasha
gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan
Hirshabeelle

Madaxweynaha
Hirshabelle ayaa guddoomiyaasha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan shirka kaga dhex
dhegaystay xaaladda amni ee degmooyinka gobolladaas

Dhinaca kalana saraashisha ciidamada AMISOM iyo dowladda ayaa lagu wargeliyay in ay sii laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda degaanada maamulka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR