Mahad Salad: Sharciga Bankiga dhexe oo la rabo in wax laga bedelo ayaa Baarlamaanka la horkeenayaa si Ajnabi loogu dhiibo

Iyadoo maanta uu baaqday kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ay ku yeelan rabeen Magaalada Muqdisho, ayaa Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuu sheegay Ajandaha Golaha Shacabka inuu ahaa Soo jeedin wax looga bedelaayo Sharciga Bankiga dhexe ee dalka.

Dowladda Somaliya ayaa wada qorshe Bankiga Dhexe nin Ajanbi ah Agaasime looga dhigaayo, waana sababta loogu baahday in wax ka bedel loogu sameeyo Sharciga Bankiga dhexe.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, ayaa Xildhibaan Mahad Salaad wuxuu uga hadlay Qorshaha socda ee Ajnabiga loogu dhiibayo Bankiga dhexe.

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan.

BEEC GEYNTA BANGIGA DHAXE waa mashruuc bilowgiisa aan aragno lkn dhamaadkiisa cidi aysan ogeyn!

Soo jeedin wax looga badalayo Sharciga Bangiga Dhexe ayaa la horkeenayaa Golaha Shacabka maalinta Isniinta ah si nin AJNABI ah loogu dhiibo Bangiga Dhaxe.

Sharciga Bangiga Dhaxe ee wax ka badalka lagu samaynayo ayaa xeerinaya in Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka, iyo 5ta xubnood kale ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Haddaba, waxaa isweydiin mudan:

  1. Maxaa xikmad ah oo kujira in xiligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhaxe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka?
  2. Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata?
  3. Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?!

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR