Man City Oo Guuldaro Xanuun Badan Kala Soo Laabtay Norwich City, Xafladaynta Teemu Pukki Oo Sii Socotay Iyo City Oo 5 Dhibcood Hoos Uga Dhacday Liverpool.


Manchester City ayaa guuldaro xanuun badan kala soo laabtay kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Norwich City. Man City ayaa guuldaro 3-2 ah kala soo laabtay kooxda Norwich City iyaga oo iska lumiyay fursadii ay cadaadiska ugu sii hayeen Liverpool.

Kooxda Norwich City ayaa layaab ku noqotay Guardiola iyo kooxdiisa Man City iyaga oo qaybtii hore wacdaro dhigay balse Otemendi ayaa xaalada ku sii xumeeyay Man City markii laga soo laabtay qaybtii hore ee ciyaarta.

Man City ayaa hadda shan dhibcood hoos uga dhacday kooxda hogaanka Premier league haysa ee Liverpool inkasta oo shan kulan oo kaliya la ciyaaray, waxayna City shantan dhibcood ku lumisay shantii kulan ee xili ciyaareedkan ugu horeeyay taas oo ah wax aan Guardiola looga baran.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Nicolas Otamendi, Oleksandr Zinchenko; Ilkay Gundogan, Rodri, David Silva; Bernardo Silva, Sergio Aguero, Raheem Sterling.

Kaydka: Claudio Bravo, Gabriel Jesus, Kevin De Bruyne, Fernandinho, Riyad Mahrez, Joao Cancelo, Phil Foden.

NORWICH CITY (4-2-3-1): Tim Krul; Sam Byram, Ibrahim Amadou, Ben Godfrey, Jamal Lewis; Kenny McLean, Alexander Tettey; Emiliano Buendia, Marco Stiepermann, Todd Cantwell; Teemu Pukki.

Kaydka: Grant Hanley, Philip Heise, Josip Drmic, Ralf Fahrmann, Dennis Srbeny, Michael McGovern, Adam Idah.

Manchester City ayaa doonaysay in ay cadaadiska ku sii hayso kooxda ay tan iyo xili ciyaareedkii hore isbaacsanayeen ee Liverpool oo xili horeba guul wayn ka sii gaadhay kooxda Newcastle United.

Laakiin Manchester City ayaa dhibaato wayn kala kulantay kooxda Norwich City oo kooxda koobka horyaalka Premier league difaacanaysa xaalado adag ku abuurtay.

Kulankii ka dhacay garoonka Norwich City ee Carrow Road waxa uu ahaa mid lama filaan ku noqday Guardiola iyo kooxdiisa Man City inkasta oo qaladaad badan ay sameeyeen difaaca City.

Daqiiqadii 18 aad kooxda martida loo ahaa ee Norwich City ayaa heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu K. McLean goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay E. Buendía.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Norwich City kaga naxsatay Man City laakiin xaalada ayaa lama filaan noqotay kadib markii ay kooxda Norwich City heshay goolkeeda labaad toban daqiiqo kadib goolka furitaanka, waxaana goolkan u saxiixay T. Cantwell.

Kubbad caawin uu sameeyay xidiga layaabka dhigaya ee Teemu Pukki ayuu dhamaystiray T. Cantwell waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Norwich City hogaanka ku dheeraysatay iyada oo aan la gaadhin nususaacihii ugu horeeyay.

Daqiiqadii 31 aad Man City ayaa birta u garaacday Norwich kadib markii ay isku soo xidhmeen Bernardo Silva, David Silva iyo Sterling laakiin nasiibka ayaa City ka diiday in ay gool helaan.

Daqiiqadii 45 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Sergio Aguero awooday in uu kooxdiisa hal gool dib uga soo celiyay intii aan loo bixin waqtigii nasashada isaga oo dhamaystiray caawin uu ka helay Bernardo Silva.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay kooxda Norwich City hogaanka ku haysay balse ay wali City rajo wayn ka qabtay in ay ciyaarta dhinaca kale u dhigi karto.

Daqiiqadii 50 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta difaaca Man City ee Nicolas Otamendi ayaa musiibo ku sii noqday kooxdiisa kadib markii uu Norwich u ogolaaday in ay helaan goolka saddexaad waxaana markan wacdarihiisa sii watay Teemu Pukki.

Teemu Pukki oo dhaliyay goolkiisii 6 aad ee Premier league ayaa hore u soo sameeyay 2 gool caawin taas oo heerka ku lug lahaanshihiisa goolasha Norwich ka dhigtay heer layaableh kadib shantii kulan ee xili ciyaareedkan ugu horeeyay.

Markii uu Guardiola xaalada u adkaysan kari waayay waxa uu hal mar garoonka soo wada galiyay Kevin  De Bruyne iyo Gabriel Jesus si ay xaalad xun kooxdiisa uga saaraan isaga oo saaray Gundogan iyo David Silva.

Laakiin xaalada ayaan wax isbadal ah yeelan taas oo Guardiola ku riixday in daqiiqadii 73 aad uu ciyaarta soo galiyay Riyad Mahrez wuxuuna saaray Bernardo Silva.

Daqiiqadii 88 aad Man City oo xaaladu aad ugu xun tahay ayuu rajadeeda sare u soo qaaday Rodrigo Hernández kaas oo dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay xidiga badalka garoonka ku soo galay ee Gabriel Jesus.

Ciyaarta ayaa noqotay 3-2 ay Man City rajadeeda ku soo noolaysay, waxayna kooxda Guardiola bilawday in ay ka fikiraan sidii ay daqiiqadaha u hadhsanaa guuldaro ugaga baaqsadaan. Goolhayaha Norwich City ee Krul ayaa fursado halis ah Man City dhamaadkii ciyaarta ka joojiyay.

Man City ayaa cadaadiska sii saartay Norwich City si ay goolka barbraha u keensadaan laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-2 ay Norwich City saddexda dhibcood kaga qaadatay Man City, waana guuldaradii ugu horaysay ee City soo gaadhay xili ciyaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR