Man City Oo Ka Baqeysa Inay Iska Lumisa Mid Kamid Ah Da’yarta Ugu Wanaagsan Yurub Xilli Uu Dalab Ka Helay Koox Ka Dhisan Spain

Kadib Markii ay lumisay kooxda Sky Blues ka da’yarkeeda Jadon Sancho oo ku biiray kooxda Brussia ayaa waxaa hadana soo baxayo warar sheegayo  in da’yarkeeda kale Brahim Díaz uu dalab ka helayo kooxda difaacaneysa koobka horyaalada Yurub ee Real Madrid.

18 Sanno jirka Brahim Díaz ayaa la aminsan inuu yahay mid kamid ah xidigaha da’yarta ugu wanaagsan qaarada duqda ee yurub, macalinka City Pep Guardiola ayaase doonayo inuusan iska lumin ciyaaryahan Brahim si lamid sida uu u doonayo inuu kooxda ugu hayo ciyaaryahan Phil Foden oo bandhig wanaagsan ka sameynayo garoonka Etihad.

Si kasta ha ahaatee kooxda Real Madrid oo qorshaheeda suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada badashay ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato da’yaarkaan qiimaha ku leh dalka Ingiriiska waxa ayna dooneysaa kooxda Los Blancos inay ka dhigto sida ay ka dhigtay ciyaaryahanada kala Marco Asensio Vinícius Júnior iyo Jesús Vallejo oo ay dhamaantood lasoo wareegtay iyaga oo da’yar ah.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ayaa xiriir wanaagsan la leh dhigiisa kooxda City Sheikh Mansour labada madaxweyne oo ganacsi aan kubadda cagta aheyn ku mideysan ayaa la filayaa inay ku heshiiyaan xaalada da’yarkaan Brahim Diaz

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Brahim uu noqday ciyaaryahankii ugu yaraa ee kasoo muuqday xulka Spain ee 21 jirada kulamadii ugu dambeeyey ay ciyaareen dhawaan.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR