Man City oo qal qaalo ugu jirto saxiixa cayaaryahan PSG ka tirsan

 

L’Equipe oo ah wargeyska France arimaha cayaaraha looga haray ayaa qoray in Man City qal qaalo ugu jirto saxiixa cayaaryahan naadiga PSG ka tirsan.

Claudio Gomes oo 17-jir ah khadka dhexena ka cayaaro waxaa si gaar ah u dalbaday in loo soo gacan galiyo tababare Pep Guardiola oo la dhacsan hormarka uu wiilkaan sameenayo.

Claudio Gomes si joogto ah ayuu ugu cayaaraa xulka France da’dooda ka hooseyso 18-sano balse Paris fursad ma siiso waana sababta keentay in Man City dadaal ugu jirto qaabkii ay gacanta ugu dhigi laheyd.

L’Equipe waxay qortay in Gomes weli go’aan uusan ka qaadanin dalabka Man City waxayna Paris ka cabsi qabtaa xidigaan marka uu 18-sano guda galo inuu si toos ah Man City heshiiska xirfadlayaasha kubada cagta ku xamaashaan inuu saxiixo.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR