Man United Oo Doonaysa Inay Si Bilaash Ah Kaga Soo Qaadato Xagaaga Dambe Dhigeeda Arsenal Ciyaaryahan Muhiim U Ah

Wararka kasoo baxayay  dalka Germany ayaa sheegayo in kooxda Manchester United ay isku dayayso soo xiro gelinta ciyaaryahanka u dhashay dalka Germany Mesut Özil

Iyada oo uu dhawaan soo xirmay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada hadana waxaa soo baxayo warar xan ah oo sheegayo ciyaaryahanada qaar ay isaga dhaqaaqayaan kooxdooda iyada oo lala xiriirinayo kooxo kale

Özil qandaraaska uu kula jiro kooxda Gunners ka waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaana la filayaa ciyaaryahankaan ka gadoodsan inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Gunners ka inuu si bilaash ah ugu biiri karo xagaagan mid kamid ah kooxaha lala xiriirinayo

Balse kooxda Gunners ka ayaa isku dayi doonta inay ku qanciso inay ka saxiixato qandaraas cusub Özil  kahor inta uusan kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates si bilaash ah ugu tagin xagaaga ina soo aadan.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in kooxda Arsenal ay sidoo kale lumin doonto ciyaaryahankii hore ee kooxda Barcelina Alexis Sanchez kaasoo dhawaan ku fashilmay inuu ku biiro kooxda Sky Blues ka oo si ba’an u doonaysay

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR